Kadib markii ciidamo ka tirsan IPS ee Puntland ay shalay inta gadoodeen mushaaraad la'aan dartood ay ula wareegeen Baanka Dhexe ee Puntland ayaa wararka maantu ay sheegayaan in ciidamadaasi ay halkaa ka tageen.
Ugu dambeyn ayaa ciidankaasi meesha isaga huleelay kadib markii sida muuqata loogu carrab laalaadiyay in xaqooda ka...
Ciidamada KDF ee AMISOM oo mushaaraad kasoo daaheen ayaa ugu dambeyn mushaaraadkoodii la siiyay.
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sidaa shaaciyay shalay galab. Sidoo kale ayaa afhayeenka aqalka madaxtooyada ee Kenya, Manoah Esipisu uu sheegay in dhawaan midowga Yurub uu baxshay lacag taasoo loo adeegsaday bixinta gunnooyinka AMISOM.
“Madaxweynuhu wuxuu si...
Wasiirka Arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya C/salaan Hadliye Cumar, ayaa shirka guud ee Ummadaha Midooba ka sheegay in Dowladda Somalia ay Ciidan ahaan uga Adkaatay Al-shabaab. Isagoo Xusay in Ciidamada Somalia oo kaashanaya kuwa AMISOM ay deegaanno badan ka saareen Al-shabaab.
Hadliye, ayaa sheegay in Al-shabaab ay haatan Gacanta ku hayaan...
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, ayaa sheegay in Xukuumadda Federaalka Somalia aysan ku qanacsanayn xukunkii dilka ah ee Dowladda India ay ku ridday dhalinyarada Soomaaliyeed, madaama aysan helin fursad ay isaga difaacaan eedaymaha loo soo jeediyay.
“Xukuumadda Federaalka ah kuma Qanacsano xukunka Dowladda Hindiya ay dhaliyaradda Soomaaliyeed...
Labo beelood oo dhawaan dagaalo ku dhex mareen magaalada Marka iyo qeybo kale oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ayaa heshiis ku gaaray Muqdisho.
Kadib shir Muqdisho 4 maalmood uga socday cuqaasha iyo waxgaradka labada beelood ee walaalaha ah ayaa labada daraf ugu dambeyntii waxay ku guuleysteen in lagu heshiiyo...
Kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho Isbaheysiga xisbiyada siyaasadda soomaaliya ayna gudoominayeen gudoonka isbaheysiga xisbiyada siyaasada soomaaliya ayaa waxaa lagaga hadley arimo xasaasi ah.
Dood iyo falanqeyn kadib ayaa madaxda xisbiyada siyaasada waxey soo saareen qoralkan oo sidan u qornaa:-
Isbaheysiga xisbiyada siyaasada soomaaliya waxey dood ka yeesheen arrimaha doorashada dadban...
Ugu yaraan 10 qof oo dhinacyadii dagaalamay ka mid ah ayaa ku dhintay, tiro ka badan intaasna way ku dhaawacmeen dagaal culus oo ciidamada Koonfur-galbeed iyo xoogaga Al-shabaab ku dhexmaray deegaanka Iidaale ee Gobolka Bay.
Dagaalkan ayaa qarxay, kaddib markii ciidamada maamulka Koonfur-galbeed ay ku qadeen weerar fariisimo ay Al-shabaab...
Maxkamadda Sare ee Somaliland, ayaa maanta soo saartay go’aan ay ku soo Af-jarayso Khilaafkii Ragaadiyey xisbiga UCID ee labadda garab u kala jabay.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Aadan Xaaji Cali ayaa ku dhowaaqay go’aankii ay ka gaadheen soo Af-jaridda khilaafka Xisbiga UCID, Waxaana ka mid ahaa go’aanadii ay ku dhawaaqeen sidatan:
...
Maanta ayaa waxaa lagu waday xubnihii aqalka sare ee Soomaaliya ama senetka in ay diyaar ahaadaan oo magacyadooda la shaaciyo.
Hase ahaatee, ma muuqato in arintaa maanta la haleelay. Dib u dhac ayaa la moodaa inuu ku yimid ayadoon wali haatan oo aanu warbixintaan qoreyno aanan xubnahaa Aqalka Sare magacyadooda...
Maxkamadda Degmadda Hargeysa, ayaa Go’aan ka gaadhay dacwad muddo sanad ah ka socotay oo ah laba qoys oo isku haysteen wiil lix iyo toban jir ah oo qoys waliba ku doodayey inay dhaleen.
Guddoomiyaha maxkamadda degmadda Hargeysa, Cabdirashiid Maxamed Xirsi (Beer Geel) ayaa dacwadan labada qoys isku haystaan inay dhaleen wiilkan...

















