Wasiirka arrimaha debedda Soomaaliya Hadliye oo sheegey in millatery ahaan ay Al-shabaab uga guuleysteen.

0
528

Wasiirka Arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya C/salaan Hadliye Cumar, ayaa shirka guud ee Ummadaha Midooba ka sheegay in Dowladda Somalia ay Ciidan ahaan uga Adkaatay Al-shabaab. Isagoo Xusay in Ciidamada Somalia oo kaashanaya kuwa AMISOM ay deegaanno badan ka saareen Al-shabaab.

Hadliye, ayaa sheegay in Al-shabaab ay haatan Gacanta ku hayaan wax ka yar 10% dhulka Somalia, isagoo intaas ku daray in tiro ka mid ah Hoggaamiyeyaashii Kooxda la dilay, tiro kalena ay ka baxsadeen bilihii lasoo dhaafay.

Sidoo kale, Wasiir Hadliye ayaa shir-weynaha QM ka sheegay in Al-shabaab ay bedeshay khidadeedii dagaal markii ciidan ahaa looga adkaaday, ayna billaabeen weerarro cusub oo ay ka geysanayaan Somaila iyo sidoo kale waddamada dariska la ah.

“Dowladda Somalia waxay isku dayaysaa inay Xoojinta Xiriirka Wada-shaqeyn ee dhinaca amniga, si looga hor-tago qaababka cusub ee weerarada Al-shabaab,” ayuu Wasiirku ku yiri khudbadii uu ka jeediyay shirka QM ee ka socda New York.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa intaa ku daray in Shacabka Soomaaliyeed ay ka Fogaanayaan Al-shabaab, isla markaana Weerarrada Is-miidaaminta ah ee ay Fulinayso Al-shabaab ay muujinayso awood-yaridooda.

Al-shabaab ayaa muddo sanado ah isku dayaysay inay xukunka ka tuurto Dowladda FS ee uu Caalamku Taageero si ay Soomaaliya ugu soo rogto ku Dhaqanka shareecada Islaamka.

Ugu dambeyn, Inkastoo Ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM ay dagaal uga saareen Al-shabaab Sannadihii la soo dhaafay deegaanno badan oo ay ka talin jirtay, ayaa haddana kooxdu waxay weli ka talisaa qaybo ka mid ah Soomaaliya.

warsom2011@gmail.com

beccosalaam-banktabaarak