Ciidamada IPS ee puntland oo faarujiyey Bankiga dhexe ee maamulkaas.

0
526

Kadib markii ciidamo ka tirsan IPS ee Puntland ay shalay inta gadoodeen mushaaraad la’aan dartood ay ula wareegeen Baanka Dhexe ee Puntland ayaa wararka maantu ay sheegayaan in ciidamadaasi ay halkaa ka tageen.

Ugu dambeyn ayaa ciidankaasi meesha isaga huleelay kadib markii sida muuqata loogu carrab laalaadiyay in xaqooda ka maqan ay helayaan.  

Xalay goor dambe ayaa ciidamadaasi halkaa ka tageen kadib saacado gadoodsanaan iyo caro meeshaa ay la joogeen.

Tani maahan markii ugu horeysay ee ciidamo ka tirsan Puntland ay mushaar la’aan darteed u gadoodaan.

Horraantii sanadkaan ayaa sidaasoo kale waxaa la sheegay in qaar ka tirsan ciidamada Puntland ay shaqada ka caga jiideen kadib markii mushaaraadku ka soo daaheen.

warsom2011@gmail.com

beccosalaam-banktabaarak