Saturday, October 31, 2026
Qodista ceelka shidaalka ee Curad-1, oo ah ceelkii ugu horreeyay ee si rasmi ah looga qodo biyaha badda Soomaaliya, ayaa gaartay lakabka Early Cretaceous, halkaas oo ay ka bilaabmeen raadadka loo baarayo suurtagalnimada jiritaanka shidaalka, sida uu sheegay Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Qaranka, Cabdulqaadir Aadan Maxamed. Guddoomiyaha ayaa wareysi uu siiyay...
Hay’adda socdaalka Sweden ayaa fulisay howlgal masaafurin ah oo lagu qaaday 90 qof oo Soomaali ah, kuwaas oo laga soo kala qaaday Sweden, Norway iyo Finland, sida ay baahisay warbaahinta Sweden. Dadka la masaafuriyey waxaa ka mid ahaa labo mataano ah oo lagu kala magacaabo Najiib iyo Caalya, kuwaas oo...
URURRADA SIYAASADEED EE KA QAYB-GALAY DOORASHOOYINKA QOF IYO COD OO WAR-SAXAAFADEED WADAJIR AH SOO SAARAY. UJEEDDO: DOORKA URURRADA DOORASHADA QOF IYO COD EE SHIRKA QARAN IYO HOWLGELINTA GOLAYAASHA DEEGAANKA DEGMOOYINKA GOBOLKA BANAADIR/ Muqdisho, Soomaaliya — 28 Oktoobar 2026 Waxaa shir isugu yimid Ururrada Siyaasadeed ee ka Qaybgalay Doorashada Qof iyo Codka ah,...
Xoghayaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, Xildhibaan Cabdullaahi Carab ayaa sheegay in mucaaradka Soomaaliyeed uusan qorsheynayn inuu dalka ka abuuro jabhad hubaysan, isaga oo carrabka ku adkeeyay in ay doonayaan inay awoodda ku raadiyaan hannaan nabadeed. Xildhibaanka ayaa hadalkan ka sheegay wareysi uu kaga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, mowqifka Golaha Mustaqbalka...
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka inay cadaadis ku hayso siyaasiyiinta mucaaradka, isaga oo sheegay in ay suuragal tahay in dowladda iyo kooxda Al-Shabaab ay iska kaashadaan beegsiga mucaaradka. Eedeymahan ayuu ku sheegay wareysi uu kaga hadlay xiisadda siyaasadeed, amniga Muqdisho iyo...
Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, ayaa ugu baaqay hoggaamiyeyaasha iyo shacabka Soomaaliyeed inay mideeyaan mowqifkooda ku aaddan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Madaxweynaha Uganda ayaa sheegay in kala qaybsanaanta fikirka siyaasadeed iyo faham la’aanta sababaha salka u ah dhibaatooyinka dalka ay caqabad ku yihiin helitaanka nabad waarta. Museveni ayaa hadalkan sheegay xilli...
Ugu yaraan saddex qof oo rayid ah ayaa ku dhintay, toddoba kalena dhaawacyo culus ayaa soo gaaray kaddib markii kooxda Al-Shabaab, oo saldhigyo ku leh buuraha Cal Madow, ay hoobiyaal ku garaacday tuulada Galgala oo ka tirsan degmada Boosaaso. Sida ay xoguhu sheegayaan, duqeyntan ayaa qayb ka ahayd weerar madaafiic...
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xisbiyada mucaaradka iyo dhinacyada kale ee siyaasadda ku casuumay gogol wadatashi qaran oo magaalada Muqdisho ka furmi doonta 14-ka ilaa 18-ka Nofeembar 2026, si looga wada hadlo arrimaha doorashooyinka federaalka. War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu casuumaad rasmi ah...
Dowladda Itoobiya ayaa ka digtay khataraha amni ee ka dhalanaya militaraynta sii kordhaysa ee Badda Cas, weerarrada cusub ee lagu qaadayo maraakiibta ganacsiga iyo loollanka quwadaha shisheeye ee gobolka, iyadoo ku baaqday in la xoojiyo iskaashiga dalalka gobolka si loo ilaaliyo ganacsiga badda loogana hortago colaadaha isku xidhan ee...
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khudbad uu caawa u jeediyay shacabka kaga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, hannaanka doorashooyinka iyo khilaafaadka u dhexeeya dowladda federaalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka. Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay doorashada qof iyo cod tallaabo bilow u ah dib ugu noqoshada hannaan dimuqraadi ah oo Soomaaliya ay...