Sunday, September 6, 2026
Senator Farxaan Cali Xuseen ayaa Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ka dalbaday in wasiirrada Gaashaandhigga iyo Amniga Gudaha looga yeero Golaha, si wax looga weydiiyo waxa uu ku tilmaamay khatarta sii kordheysa ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo adeegsado gudaha Soomaaliya. Senator Farxaan ayaa sheegay in walaac laga...
Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si kulul uga hadlay duqeyn habeenkii xalay ahaa ka dhacay degmada Doolow ee gobolka Gedo, taas oo lagu bartilmaameedsaday hoyga uu halkaasi ka deggenaa Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan, taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed. Shariif Sheekh Axmed ayaa...
Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (AU), Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa saaka xarunta Midowga Afrika ee magaalada Addis Ababa ku qaabilay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan, oo booqasho salaan iyo xushmad ah ku tagay xarunta. Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa Soomaaliya ugu hambalyeeyay ansixinta heshiiska lagu dhisay Aagga Ganacsiga...
Wasiirrada Ganacsiga ee dalalka ku mideysan Hindisaha Geeska Afrika (HoAI) ayaa saxiixay Baaq Wasiirro oo Wadajir ah, kaas oo lagu dhisay Guddiga Fududeynta Ganacsiga Gobolka ee Geeska Afrika (RTFC). Heshiiskan ayaa lagu soo gabagabeeyey shirkii ugu horreeyey ee Wasiirrada Ganacsiga ee Hindisaha Geeska Afrika, kaas oo ay guddoominaysay Soomaaliya, waxaana...
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, Cabdullaahi Xayir Ducaale, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya sanadkan 2026 ay xirtay 82,000 bog oo baraha bulshada ah oo uu sheegay in kooxaha argagixisadu u adeegsanayeen faafinta fikradahooda. Ducaale oo ka hadlayay dood ku saabsan isku-xirka la-dagaallanka kooxaha hubeysan iyo yareynta khataraha musiibooyinka ka...
Sagal Cabdi-Wali, oo ah haweeney asal ahaan Soomaali ah, ayaa laga yaabaa inay u tartanto kursiga baarlamaanka ee deegaanka Holborn iyo St Pancras ee magaalada London, doorashada ku celiska ah ee dhawaan qabsoomi doonta, kursigaas ayaa waxa hore uu u haystay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Ingiriiska, Keir Starmer. Sagal waxay...
Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada dowladda ay saaka magaalada Baydhabo ku jabiyeen maleeshiyaad ay ku tilmaantay kuwo taabacsan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab oo sida ay wasaaraddu sheegtay isku milmay. War kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa lagu sheegay in...
Afhayeenka madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Ugaas Xasan Cabdi Maxamed, ayaa ka hadlay dagaalka saaka ka dhacay magaalada Baydhabo, isagoo sheegay in ciidamada uu ku tilmaamay kuwa Koonfur Galbeed ay howlgal ka wadaan gudaha magaalada Baydhabo. Ugaas Xasan ayaa shacabka Baydhabo ugu baaqay inay guryahooda ku nagaadaan inta uu socdo...
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qorsheyneysa dib-u-habeyn lagu sameeyo qaabka loo maamulo hay’adaha amniga gudaha, iyadoo xoogga la saarayo isla xisaabtanka, isku-dubaridka hay’adaha iyo sidii loo dhisi lahaa nidaam amni oo dhaqaale ahaan waara. Arrintan ayaa kamid ah qodobada ugu waaweyn ee looga hadlay Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha ee ka...
Wargeyska Mareykanka laga leeyahay ee Wall Street Journal ayaa sheegay in Xuutiyiinta Yemen iyo kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya ay tan iyo sannadkii 2023 yeesheen iskaashi qarsoodi ah oo sii xoogeysanaya, kaas oo la sheegay inuu ku saabsan yahay hub, tababar iyo isku-duwid dhinaca howlgallada ah. Wargeysku wuxuu sheegay in Al-Shabaab...