Afhayeenka madaxtooyada Kenya oo sheegey in ciidamada KDF la siinayo mushaaraad kasoo daahey.

0
531

Ciidamada KDF ee AMISOM oo mushaaraad kasoo daaheen ayaa ugu dambeyn mushaaraadkoodii la siiyay.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sidaa shaaciyay shalay galab. Sidoo kale ayaa afhayeenka aqalka madaxtooyada ee Kenya, Manoah Esipisu uu sheegay in dhawaan midowga Yurub uu baxshay lacag taasoo loo adeegsaday bixinta gunnooyinka AMISOM.

“Madaxweynuhu wuxuu si diirran usoo dhaweynayaa heshiiskaa lacagta lagu bixiyay,” Manoah Esipisu.

Midowga Yurub ayaa balaayiin shilinka Kenya ah ugu deeqay ciidamada AMISOM ee Soomaaliya jooga.

Lacagtaa ayaa haatan la bilaabay in lagu bixiyo mushaaraadka AMISOM. Qarashkaa ayaa dhan ilaa 20 bilyan oo shilin Kenya ah.

Hishiis lacagtaa deeqda ah kusaabsan ayaa Khamiistii lagu duugay qalinka. Waxaa sidoo kale AMISOM laga siin doonaa lacagtaas gunooyinkoodii 9kii bilood ee lasoo dhaafay oon wali la siin.

Qarashka 20ka bilyan ah ayaa u dhigma 178 m oo giniga Ingiriiska ah.

Si kastaba ha ahaatee, QM ayaa wali diidan in ay ciidamada AMISOM u aqoonsato ciidamo nabad ilaalin ah ama diidan inay u rogto AMISOM ciidamo nabad ilaalineed!

Ciidamada AMISOM ayaa haatan Soomaaliya ku sugan muddo 10 sano ku dhow ayadoo dalalka soo diray iyo Midowga Afrikaba ay sheegaan in ay yihiin ciidamo nabad ilaalineed.

warsom2011@gmail.com

beccosalaam-banktabaarak