Ciidamada AUSSOM ee Dalka Uganda iyo Soomaaliya oo ka Wada Hadlay Dhimista Ciidamada iyo Wareejinta Amniga Goobaha.

0
2

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kulan la yeeshay Taliyaha Guutada 45-aad ee ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), Gaashaanle Sare Dr. Justus Musenene.

Kulanka ayaa shalay ka dhacay xarunta Taliska Guutada 8-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee deegaanka Embresso, oo hoos yimaada magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay qorshaha dhimista tirada ciidamada AUSSOM ee Soomaaliya, tayeynta iyo dhismaha awoodda ciidamada Soomaaliyeed, iyo qorshaha si tartiib-tartiib ah mas’uuliyadda amniga dalka loogu wareejinayo ciidamada dowladda.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa uga mahadceliyay ciidamada Uganda naf-hurnimada, xirfadda iyo doorka ay ka qaateen dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

Sidoo kale, wuxuu bogaadiyay hoggaanka Wasaaradda Gaashaandhigga Uganda sida ay uga go’an tahay iskaashiga Afrika iyo xoojinta xiriirka labada dal.

Dhankiisa, Gaashaanle Sare Justus Musenene ayaa sheegay in howlgalka AUSSOM uu xoogga saarayo tababarka, hagidda iyo tayeynta ciidamada Soomaaliyeed, si ay u gaaraan awood ay si madax-bannaan ugu fuliyaan howlgallada amniga.

Waxa uu sidoo kale soo dhoweeyay bogaadinta loo jeediyay ciidamada Uganda, isaga oo ku dhiirrigeliyay ciidamada Soomaaliyeed inay xoojiyaan guulaha laga gaaray howlgalladii wadajirka ahaa ee ay fuliyeen.

Kulanka waxaa kale oo lagu eegay horumarka laga sameeyay howlgallada amniga iyo barnaamijyada wacyigelinta fikirka ee ciidamada.

Kulankan ayaa ku soo aadaya xilli howlgalka AUSSOM uu wajahayo marxalad la xiriirta dib-u-habaynta joogitaanka ciidamada Midowga Afrika iyo dadaallada lagu xoojinayo awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed si ay si buuxda ula wareegaan mas’uuliyadda amniga dalka.