Hoggaamihii Hore ee Galmudug Axmed Qoor Qoor oo Xilka ku Wareejiyey Hoggaamiyaha Cusub Liibaan Axmed Xasan.

0
2

Hogaamiyaha cusub ee Galmudug, Libaan Xasan, ayaa si rasmi ah ula wareegay hoggaanka maamulka Galmudug, kaddib munaasabad xil-wareejin ah oo ka dhacday Madaxtooyada Galmudug, isaga oo ballanqaaday in mudnaanta koowaad siin doono amniga, dhismaha hay’adaha dowladda iyo horumarinta dib-u-heshiisiinta bulshada.

Libaan Xasan ayaa xilka kala wareegay madaxweynihii hore ee Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, munaasabad uu ku tilmaamay tallaabo muhiim u ah dimuqraadiyadda, kala-guurka hoggaanka iyo joogtaynta hay’adaha dowliga ah.

Khudbad uu ka jeediyay munaasabadda, Hogaamiyaha cusub ayaa uga mahadceliyay madaxweynihii hore muddadii uu xilka hayay iyo kaalintii uu ka qaatay horumarinta Galmudug. Waxa uu sidoo kale ku ammaanay dadaalladii uu ku xoojiyay hay’adaha maamulka, xasilloonida siyaasadeed iyo hannaanka maamulka guud.

“Waxaan bogaadinayaa dadaalkii iyo shaqadii hagar la’aanta ahayd ee uu geliyay dhismaha hay’adaha dowladda iyo horumarinta xasilloonida,” ayuu yiri Libaan Xasan, isaga oo ku boorriyay madaxweynihii hore inuu sii ahaado taageere muhiim u ah horumarka Galmudug iyo dadaallada dowlad-dhiska.

Hogaamiyaha cusub ayaa sidoo kale uga mahadceliyay shacabka Galmudug kalsoonida ay siiyeen, isaga oo xusay in lagu doortay cod toos ah oo ay dhiibteen muwaadiniinta. Waxa uu sheegay inuu si buuxda u garwaaqsan yahay mas’uuliyadda culus ee loo igmaday.

Libaan Xasan ayaa sheegay in amnigu noqon ]doono ajandaha ugu horreeya ee maamulkiisa, isaga oo ballanqaaday dardargelinta howlgallada milatari ee ka dhanka ah Kooxda Al shabaab.