Maraykanka ayaa sheegay inuu si gaar ah ula socdo xiriirrada u dhexeeya kooxaha jihaad doonka ah ee Afrika, dhaq-dhaqaaqa lacagaha, dadka, hubka iyo tiknoolajiyadda, iyadoo Washington ay walaac ka qabto in kooxaha ka howlgala Soomaaliya ay yeeshaan awood ay weerarro uga qorsheeyaan meel ka baxsan dalka.
Taliska ciidamada Maraykanka ee...
Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa 8 sano oo xabsi ah ku xukuntay Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan, kaddib markii Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka uu ku soo oogay dacwad la xiriirta ka mid ahaanshaha Al-Shabaab, maalgelinta falalka argagixisada iyo dhaqidda lacagaha sharci-darrada ah.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray Xafiiska Xeer...
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay inay ilaa 2,000 askari ku biiriso ciidamada caalamiga ah ee la qorsheynayo in loo diro Qasa, haddii Maraykanka ama Israa’iil ay ka codsadaan.
Madaxweyne Cirro oo waraysi siiyay The Jerusalem Post xilli uu ka qaybgalayay shir...
Askari ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Axmed Shire, ayaa lagu dilay duleedka degmada Ceelbaraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaddib markii koox hubeysan ay jidka u gashay isaga iyo laba askari oo kale oo la socday.
Sida laga soo xigtay xogta laga helay dhacdada, saddexda askari ayaa xilligaas ku jiray...
Ciidanka Booliska Somaliland oo shalay magaalada Gabilay ku xidhay Wariye Xasan Saleebaan Haaruun, (Xasan Galaydh), oo ah mulkiilaha Galaydh TV, ayaa sheegay in loo haysto eedo ah inuu faafiyay warar been-abuur ah.
Taliska Ciidanka Booliska Somaliland ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Xasan Galaydh wax laga weydiiyay wararka...
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nur ayaa ku dhawaaqay in la laalay soo jeedin la xiriirtay la-xisaabtanka Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Cali Xoosh.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in go’aanka lagu laalay soo jeedinta uu ka dambeeyay kadib markii la hubiyay saxiixyada xildhibaanada ku lifaaqnaa qoraalka...
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya, Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa si adag uga jawaabay hadallo uu dhawaan jeediyay Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.
Wasiir Cali Xoosh ayaa "ayaan-darro weyn" ku tilmaamay in madaxweyne Deni oo horey wasiir iyo xildhibaan uga soo noqday dowladda federaalka, sidoo kalena u tartamay...
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay si buuxda ula wareegto mas’uuliyadda amniga dalka haddii ciidamada Midowga Afrika ay ka baxaan Soomaaliya, iyadoo meesha ka saartay walaaca laga qabo in bixitaanka ciidamadaasi uu fursad u abuuri karo Al-Shabaab inay dib u qabsato dhulal hor leh.
Agaasimaha Guud ee...
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu soo warramay inay heleen nidaamka hoobiyaha casriga ah ee ALKAR 120mm, oo ay soo saarto shirkadda warshadaha difaaca ee Turkiga ee ASELSAN, taas oo qayb ka noqonaysa iskaashiga milatari ee sii xoogeysanaya ee Soomaaliya iyo Turkiga.
Nidaamka ALKAR 120mm ayaa ah hoobiye casri ah...
Booliska magaalada Karachi ayaa xiray tiro ka mid ah qoysaska badmaaxiinta Pakistan, kuwaas oo mudaharaad ka dhigayay bannaanka xafiiska Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Pakistan, iyagoo dalbanayay in si degdeg ah loo soo badbaadiyo eheladooda oo ay afduubteen burcad-badeed Soomaali ah.
Qoysaska ayaa tan iyo habeenkii Axadda fadhiyay bannaanka xarunta Wasaaradda...


















