Monday, September 14, 2026
 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyrre ayaa shalay shir guddoomiyey kulan looga hadlayay arrimaha ammaanka ee Soomaaliya. Shirkii shalay waxaa ka qeyb-galay madaxda laamaha amniga dalka, waxaana lagu falanqeynayey dardar-gelinta hawlaha sugidda amniga iyo xasilinta dalka, gaar ahaan caasimadda Muqdisho. “Ammniga waxaa uu yahay muhiimadda koowaad ee...
Duufaanta Mathews ayaa ku dishay boqolaal qof dalka Haiti ee Latin Amerika. Ugu yaraan 8 boqol oo qof ayaa duufaantaasi ba'an ka takhalustay dalka Haiti. Si kastaba ha ahaatee QM iyo hayado kale oo samafal ayaa sheegay in khasaaraha dhabta ah oo ay kujidho tirada dhimashada ee dhabta ah uu...
Waxaa wali soconaya soo daabulista dadka Soomaaliyeed oo ay sameeyeen dagaallada ka soconaya dalka Yemen, waxaana arinta iska kaashanaya safaarada Soomaalida ee dalkaas, hay’adda qaxootiga ee Qaranka Soomaaliyeed iyo hay’addo kale oo caalami ah. Qunsulka guud ee Soomaaliya ee magaalada Cadan Axmed Cabdi Xasan , oo loo yaqaano Axmed Suudaan...
                        Maamulaha Shirkada Dahab-shiil Group Cabdirashiid Ducaale ayaa BBC-da u sheegay in ay deeq Cuno ah oo isugu jirta Bariis Sonkor bur iyo saliid.gaarsiinayaan Dadka ay saameeyeen fatahadihii webiga Shabeelle ka geystay Baladweyne ee ku barakacay magaaladaasi iyo deegaanada ku dhow dhow. Cabdirashiid Ducaale ayaa sidoo kale waxaa uu ugu baaqay...
Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof Max’ed Cismaan Jawaari oo maalintii shalay ka hadlayay kulan uu guddoonka baarlamaanka la yeeshay guddiga doorashada dadban ayaa sheegay in howlaha baarlamaanka hor yaala u xayiran yihiin xildhibaannada wali harsan. Guddoomiyaha ayaa sheegay in howlo muhiim ah oo ay ka mid tahay doorashada madaxweynaha Jamhuuriyada ee...
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa mowqif ka qaadatay khilaafka siyaasadeed ee maamulka Hirshabeelle, waxaana ay dowladdu aqbashay go’aankii ay qaateen xildhibaannada ee kalsoonida lagala laabtay Cali Cabdullaahi Cosoble. War ka soo baxay wasiirka wasaarada arimaha gudaha Cabdi Faarax Juxa oo ka mid ahaa wafdigii wasiirada ahaa ee xaalada qiimeynta u tagay...
Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul gobolleedyada ayaa markii ugu horeysay ku heshiiyay Wadaaga Kheyraadka Badda iyo sharciga Kaluumeysiga kaddib kulan ugu soo dhamaaday magaalada Muqdisho. Heshiiska ayaa u dhigan sidan : Annagoo tixgelineyna baahida weyn ee loo qabo ilaalilnta, maareeynta iyo in si joogta ah looga faaiideysto kheyraadka kalluunka badda. Annagoo aqoonsan...
Shirkii golaha wasiiradda Somaliland, ayaa ansixiyey miisaaniyaddii sanadka 2017-ka oo golaha la hor keenay,isla markaana isku dhaafin doona golaha Wakiiladda Somaliland. Shirkan golaha Wasiiradda oo uu shirgudoominayey madaxweyne Maxamed Axmed Siilaanyo, waxaana ku wehelinayey  Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa dood-dheer iyo falanqayn ka dib waxay xubnaha golaha wasiiradu duuduub ku...
Xisbiga WADDANI iyo guddida doorashooyinka ayaa kulankii sadaxaad ee illaa shalay iyo maanta iskugu yimaadeen ka soo saaray go’aammo ay isku raaceen oo ay ku heshiiyeen. Gudoomiyaha gudida Doorashooyinka C/qaadir Iimaan ayaa sheegay in wada hadal dheer oo laba cisho socday iskula afgarteen laba qodob oo kala ah in tirintii...
Iyadoo aad moodo in uu cirka isku sii shareeray khilaafka ka dhashay Mooshinka ka dhanka ah guddoomiyaha Baarlamaanka Prof Jawaari, ayaa waxaa soo baxaya eedeymo loo jeedinayo Xukuumadda Soomaaliya oo la xiriira kala qeybsanaanta baarlamaanka. Xildhibaan Maxamed Abuukaate oo ka tirsan xildibaannada Golaha Shacabka ayaa sheegay in dhamaan golaha Wasiiradda...