Isbaheysiga Xisbiyada Siyaasadda Soomaaliya oo Muqdisho shir ku yeeshey.

0
538

Kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho Isbaheysiga xisbiyada siyaasadda soomaaliya ayna gudoominayeen gudoonka isbaheysiga xisbiyada siyaasada soomaaliya ayaa waxaa lagaga hadley arimo xasaasi ah.

Dood iyo falanqeyn kadib ayaa madaxda xisbiyada siyaasada waxey soo saareen qoralkan oo sidan u qornaa:-

Isbaheysiga xisbiyada siyaasada soomaaliya waxey dood ka yeesheen arrimaha doorashada dadban ee2016 iyagoo hoosta ka xariiqey in wax aad looga xumaado ay tahey go’aanka sheegaya in lacag sharci daro ah lagu xiro muwaadinka doonaya in uu dalkiisa u adeego ama xil u qabto taas oo u muuqata in la baneystey wax aan xalaal aheyn aduunkana aan looga dhaqmin.

Isbaheysiga ayaa sheegey in idii ku cadeyd jadwalkii gudiga doorashada dadban maanta waxey aheyd in la dhaariyo aqalka SENETKA sida muuqatana ma jiraan sansaan ay ku hirgelayaan barlamaankii iyo madaxweynihii sidaas darteed waxaa isbaheysiga xisbiyada siyaasada u caddaatey in maamulka waqtigiisu dhamaadey iyo maamul goboleeyada ku midoobey madasha aysan daacad ka aheyn Doorashada dadban ee dadka lagu wareershey.

Isbaheysigu wuxuu ugu baaqey dadka soomaaliyeed in ay aayahooda ka tashadaan ayna la yimaadaan aragtida dalka u horseedeysa deganaansho iyo hugaan si nabadaku dhasha.

Ugu danbeyntiina Isbaheysigu wuxuu ammaan iyo bogaadin usoo jeediyey qareenadii ka qeyb galey doodii dacwadii muranka Badda soomaaliya iyo dadweynihii soomaaliyeed ee daafaha caalamka ka muujiyey dareenkooa,waxeyna isbaheysigu usoo jeediyeen Maxkamada HAQUE in ay ogaato in waxa lagu murmayaa ay yihiin wax dalka jamhuuriyada soomaaliya ay iska leedahey,muranka Kenyana uu yahey Maag iyo muran aan meel heysan.

Qoraalkan isbaheysigu soo saarey ayaa waxaa ku saxiixnaa Gudoomiyaha isbaheysiga xisbiyada siyaasada soomaaliya

Cali Maxamed Nuux Timajilic.

warsom2011@gmail.com

beccosalaam-banktabaarak