Inta la xaqiijiyay 10 qof ayaa ku dhintay dagaal Al-shabaab iyo ciidamada dawlada ee SNA iyo kuwa Koofur-galbeed oo is kaashanayay shalay galab ku dhex maray deegaanka Iidaale ee Gobolka Baay.
Ciidamada Koofur-galbeed oo ah maamul hoostaga dawlada Federaaliga ah ee Soomaaliya ayaa weerar ku qaaday sida lasoo tabiyay xubno...
Khadka casriga ah ee dhawaan la dhisay ee tareenada ee isku xiraya dalalka Itoobiya iyo Jabuuti ayaa waxaa lagu wadaa in la furo bisha soo socota.
Khadkaa ayaa waxaa lagu wadaa inuu isku xiro caasimadaha Addis Ababa iyo Jabuuti dalka Jabuuti. Mudadaa markii la gaaro ayaa si rasmi ah lagu...
Guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban ee ka dhici doonta dalka Dhamdaaka Sanadkan 2016, ayaa lagu wadaa inay mar kale maanta ka hadlaan xilliga doorashada oo u badan tahay inuu dib u dhac ku yimid.
Xubnaha guddiga doorashooyinka ayaa lagu wadaa inay ku dhawaaqaan maanta dib u dhaca Doorashada oo Bishii Ogoosto...
-Dagaal ayaa xalay ku dhex maray Jawhar ciidamo ka wada tirsan ciidamada Dawlada Federaalka.
Dagaalka ayaa bilowday xalay kadib markii ciidamadaasi ay kala shakiyeen. Labo askari ayaa dirirtaa ku dhimatay inta la xaqiijiyay.
Sidoo kale ayaa waxaa dhaawacmay haweeney iyo cunug yar oo xabbado miifto ah ay guryahooda ugu tageen, xaafadaha...
Midowga Yurub ayaa balaayiin shilinka Kenya ah ugu deeqay ciidamada AMISOM ee Soomaaliya jooga.
Lacagtaa ayaa lagu bixin doonaa mushaaraadka AMISOM. Qarashkaa ayaa dhan ilaa 20 bilyan oo shilin Kenya ah.
Hishiis lacagtaa deeqda ah kusaabsan ayaa Khamiistii lagu duugay qalinka. Waxaa sidoo kale AMISOM laga siin doonaa lacagtaas gunooyinkoodii 9kii...
Gabar 25-sano jir ah, ayaa noqotay Madaxa Maamul Muxalli ah oo Fadhigiisu yahay Gobol Muslimiintu u badan yihiin oo ku yaalla Woqooyiga Dalka Nigeria.
Haweeneydan oo lagu magacaabo, Hindatu Umar ayaa noqonaysa Gabadhiii u horreysay, isla markaana ugu da'da yar oo xil ka qabta Magaalada Argungu oo k tirsan Gobolka...
Maxkamad ku taalla Dalka Hindiya ayaa dil toogasho ku xukuntay 50 qof Soomaali ah, kuwaasoo ka mid ahaa 119-ruux oo horay Dowladda India ku sheegtay inay ahaayeen burcad-badeed.
Afar hawlgal oo ay intii u dhexeysay 2011-kii illaa 2013-kii ka sameeyeen Ciidanka badda dalka Hindiya xeebaha Somalia ayay kusoo Qab-qabteen Dhallinyaro...
Xeer-ilaaliyaha Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir ayaa qiray in MOU ay saxiixday Xukuumadii RW Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke Sannadkii 2009-kii ay ku saxsanayd, Arrinkaasna ay mudan tahay in lagu amaano.
Xeer illaaliyaha guud ee Soomaaliya ayaa hore u eedeynayey dadkii saxiixey heshiiskaas,waxaana lagu soo waramayaa in uu u kicitimey dalka...
Wasaaradda Gaashaandhigga Dalka Mareykanka, ayaa shaacisay in shirkad lagu magacaabo - Oshkosh ay gashay heshiis ay ku kacayo nus malyuun doollar, kaasoo gaadiid dagaal ay uga iibineyso Wadamada Somalia, Kamaruun iyo Ciraaq.
Sidoo kale, Pentagon-ka ayaa sheegtay in shirkadan ay hawshan ku dhammeyn doonto illaa dhammaadka bisha July 2018-ka. Inkastoo...
Madaxweynahawaqtigiisu dhamaadey ee Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka baaqday sannakdan shirka guud ee QM, kaasoo hadda ka socda New york, Laakiin waxaa ku metelaya Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia, C/salaan Hadliye Cumar.
Hadliye, ayaa maanta lagu wadaa inuu khudbad ka jeediyo Fadhiga Golaha Guud ee QM, wuxuuna wasiirku jeedin doonaa...

















