Saturday, April 18, 2026
Gudoomiya Xisbiga mucaaradka Wadani ee Somaliland Cabdiraxmaan Ciro ayaa sheegay in dagaalka Laascaano yahay dagaal Sokeeye, wuxuu sheegay in dagaalkaas uula mid yahay midka ka dhaca Hargeysa, Boorama iyo magaalooyin kale. Beesha caalamka ayuu u diray fariin ah iney la hadlaan Puntland oo si toos ah faragelin ugu sameysay deegaanadooda...
Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee barlamaanka ahna ku simaha guddoomiyaha, xildhibaan Sacdiyo Yaasiin Samatar, ayaa magacowday guddi kasoo talo bixiya mooshin ay soo gudbiyeen ku dhawaad 100 xildhibaan. Xildhibaanadan ayaa soo jeediyay in wax ka beddel iyo kaabis lagu sameeyo dastuurka kumeel gaarka ah ee dalka. Mooshinkan ayaa sida aan warar...
Golaha aqalka sare ayaa guddi gaar ah u saaray mooshin xildhibaano katirsan aqalka sare ay soo jeediyeen oo ah in wax ka beddel lagu sameeyo muddo xileedka labada gole ee barlamaanka. Warqad kasoo baxday guddoonka aqalka sare ayaa lagu sheegay, in aqalka sare uu qabtay soo jeedinta 15 senator, kuwaas...
Ciidamada Somaliland ee ku sugan Dhuxun iyo Gooja-cadde ayaa halkaas ka wada dhaq dhaqaaqyo ciidan iyo abaabul dagaal oo xooggan. Taliska Muuse Biixi oo maalmo ka hor lagu jebiyay jiidaha dagaalka Laascaanood ayaa mar kale is abaabul wada si uu weerar ugu qaado ciidamada degaanka SSC. Korneyl Muuse Biixi ayaa sida...
Xuseen Sheekh Cali oo wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegay in askarta ka imaanaysa dalalka Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya ay yihiin kuwa aan xubin ka ahayn howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS. “Waa qorshahooda inay ku yimaadaan gudaha Soomaaliya siddeed toddobaad gudahood,” ayuu yiri. Cali waxa uu ka...
Gudoomiye Adan madoobe oo Lafta gareen lasaftay`Banabaxyo xoogan &Shuute oo xukuno Dil ah... https://youtu.be/UPzzpdeRVp4     
Labo askari oo ka tirsan ciidamada sida gaarka ah  tababaran ee DANAB ayaa ku dhintey kadib markii mooto bajaaj ay saarnaayeen ay miino kula qaraxday deegaanka Xaanshooley oo dhinaca waqooyi ka xigta magaalada Jowhar,xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle. Qaraxan oo ahaa miinada dhulka la geliyo ayaa sidoo kale waxaa ku dhintey...
Warar hadda naga soo gaaray magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in halkaasi ay gaareen ciidamo ka socda maamulka Puntland kuwaa oo si weyn u qalabeysan islamarkaana wata hubka nuucyadiisa kala duwan. Ciidamadan oo Kolonyo ah ayaa la arkay iyagoo magaalada sii galaya islamarkaana isku baahiyay Laba jiho oo la sheegay iney...
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankoodii maanta oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Xamse Cabdi Barre soo saaray go’aamo muhiim ah oo looga hortagayo dhibaatooyinka ay la kulmaan Muwaadiniinta ku shaqeysta  Bajaajta. Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyay magacaabista Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib U Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka...