Xisbiga Wadani ee Somaliland oo sheegay in ay Puntland duulaan faragalin ah kusameysay dagaalka Laascaanood,

0
338

Gudoomiya Xisbiga mucaaradka Wadani ee Somaliland Cabdiraxmaan Ciro ayaa sheegay in dagaalka Laascaano yahay dagaal Sokeeye, wuxuu sheegay in dagaalkaas uula mid yahay midka ka dhaca Hargeysa, Boorama iyo magaalooyin kale.

Beesha caalamka ayuu u diray fariin ah iney la hadlaan Puntland oo si toos ah faragelin ugu sameysay deegaanadooda , sida uu hadalka u dhigay. Si kastaba, dagaalka Laascaanood ayaa wali sii socda, iyadoo labada dhinac ay dhegaha ka fureysteen baaqyada caalamiga ah iyo kuwa gudaha ee lagu dalbanayo in xabada la joojiyo, murankana miiska wadahadalka lagu dhameeyo.

Somaliland iyo SSC ayaa midba midka kale ku eedeynaya masuuliyada colaada socota, iyadoo wali magaalada Laascaanood ay ka maqan yihiin dadkii shacabka ahaa oo u barakacay duleedyada magaalada iyo gobolada la deriska ah.

 

Muqdisho-Somalia