Waxaa maanta magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland ka furmay shirka wada-tashiga ballaarinta Idaacadaha dowlad Federaalka, dowlad-gobolleedyada iyo gobolka Banaadir.
Furitaanka shirka ayaa waxaa ka qeyb-galay madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo xubno ka socda maamul gobolleedyada dalka.
Shirkaan ayaa waxay dhinacyadu uga wada-hadleen horumarinta iyo mideynta Idaacadaha dowladda federaalka iyo kuwa dowlad-goboleedyada, si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee dhanka fikirka.
Wasiirka Warfaafinta Daa’uud Aweys oo faah-faahin ka bixiyay shirkan ayaa waxa uu sheegay in la isla qaatay isku-xirka idaacada dowladda dhexe iyo maamullada, loona xil-saaray arrintaasj guddi qiimeyn ku sameeya.
“Dowladda Fedreaalka iyo Dowlad-goboleedyada ayaa waxaa ugu tala-galnay inay diyaar u noqdaan in bulshada ay ka wacyi-galiyaan dhibaatooyinta taagan sida; arrimaha Mukhaadaraadka iyo in farriimo mid ah u gudbiyaan bulshada Soomaaliyeed,” ayuu yiri.
“Waa shaqo aan filayo in billowgeedii uu guul inoogu soo billowday markii aan billownay shirarka iyo wada-shaqeynta dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada. Waa in aan halkaas kasii ambaqaadno istiraatijiyada wada-shaqeynteena.”
Shirkan ayaa noqonaya midkii saddexaad ee iskugu imaadan wasiirada warfaafinta ee federaalka iyo dowlad-goboleed, ayada oo shirkii u horeeyay uu ka qabsoomay magaalada Muqdisho.
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe dadaal badan ku bixinaysay sidii kor loogu qaadi lahaa wada-shaqeynta hay’addaha heer federaal iyo kuwa dowlad-goboleedyada, si loo dardar-geliyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda dalka