Madaxweynihii 7-aad ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa ka horyimid jadwalka doorashooyinka ee ay shaacisay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, kaas oo dhigaya in doorashada Golaha Shacabka la qabto 15-ka Abriil 2027, halka doorashada madaxweynaha la qabanayo 15-ka May 2027.
Shariif Sheekh Axmed ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid hal dhinac ah, isaga oo sheegay in hannaanka doorashooyinka iyo wax-ka-beddelka Dastuurka KMG ah aan loo marin habraacyadii sharciga ahaa.
Wuxuu sheegay in uu Maxkamadda Sare u gudbiyay dacwad dastuuri ah oo uu ku dalbanayo in la buriyo wax-ka-beddellada dastuurka iyo tallaabooyinka ka dhashay, isaga oo ka digay in muranka siyaasadeed uu horseedi karo doorashooyin isbarbar socda, dib-u-dhac dowladeed iyo colaado sokeeye.
Shariif Sheekh Axmed ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqay inuu ka waantoobo tallaabooyinka hal dhinac ah, isaga oo dhinacyada siyaasadda ugu baaqay wada-hadal lagu gaaro heshiis qaran iyo doorashooyin ay dhinacyadu ku wada qanacsan yihiin.
Wuxuu sidoo kale Maxkamadda Sare ugu baaqay inay si madax-bannaan uga garnaqdo dacwadda dastuuriga ah ee loo gudbiyay, halka beesha caalamka uu ka codsaday inay gacan ka geysato xal u helidda khilaafka siyaasadeed ee dalka.





