Sunday, June 7, 2026
Ciidamada Amniga Kenya ayaa 28-qof oo Soomaali ah ku xiray deegaanka Balambala oo ka tirsan gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta gobolka, xilli aad loo adkeeyay soohdinta ay wadaagaan Kenya iyo Soomaaliya. James Kianda oo ka mid ah mas’uuliyiinta degmada Gaarisa ayaa dadka Soomaalida ah ee ay...
 Shirkii heerka Wasiir ee Wasaaradaha Gaadiidka iyo Duulista Hawada heer Federaalka iyo Dawlad-gobolleedyada Dalka oo Muqdisho saddex maalin ka socday ayaa la soo gabagabeeyay , waxaa laga soo saaray warmurtiyeed. Qodobbada warmurtiyeedka waxaa ka mid ah, In la mideeyo siyaasadaha lagu maamullo Gaadiidka dhulka iyo Cirka. In la sameeyo qorshe...
Dowladda Japan ayaa sheegtay ilaa 14 milyan oo Yuuro ay ugu talagashay gargaar deg deg ah oo loogu talagalay dhoofinta badarka  laga keeno dalka Ukrain ee loo dhoofinayo Soomaaliya, si loo yareeyo cunno yarida ka jirta Soomaaliya. Safaaradda Japan ee Ukraine ayaa qoraal ay soo dhigtay Facebook ku sheegtay in...
Qoraal kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Dibadda Somaliland, ayaa lagu sheegay in xukuumadu soo dhawaynayso muddo kordhinta iyo in doorashooyinka loo qaban doono sida ugu haboon ee ugu dhakhsaha badan. Qoraalkan oo wasaarada arrimaha dibaddu ku sheegtay in uu kasoo baxay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayuu madaxweynuhu ku sheegay in...
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe, ayaa sheegay inaanay ansixin doonin sharci kasta oo ka hor imaanaya Diinta Islaamka, maalmo ka dib markii ku xigeenkiisa Sacdiyo Yaasiin ay wacad ku martay inay ansixin doonto sharciga xadgudubyada Jinsiga. Guddoomiyaha barlamaanka oo shir guddoominayay kulan wadajir ah oo ay isugu yimaadeen labada...
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay qorsheyneyso in ay dib u furto Iskuullada ku yaalla degaanadii dhawaan laga saaray kooxda Al-Shabaab. Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Faarax Sheikh Cabdulqaadir ayaa sheegay in wasaaraddiisu ay waddo qorshe waxbarasho lagu geynayo goobaha ay la wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka. Ciidamada ammaanka ee Soomaaliya oo...
Nin hubeysan oo katirsan Alshabaab oo gudaha u galay xero ciidan, ayaa dilay ugu yaraan saddex askari oo ka tirsan ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta ee ATMIS. Ninka dilka geystay ayaa sidoo kale dhaawacay shan askari oo kale ka hor inta aan la toogan, sida uu...
Ugu yaraan 11-qof ayaa ku dhintay, 15-qof oo kalena way ku dhaawacmeen dagaal culus oo ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa Al-shabaab ku dhexmaray duleedka degmada Diinsoor ee gobolka Bay. Dadka ku dhintay dagaalkan iyo kuwa ay dhaawacyadu kasoo gaareen ayaa dhamaantood ka tirsanaa dhinacyadii dagaallamay, waxaana dagaalkaan la sheegayaa inuu...
Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa goordhaw shaacisay in ciidanka Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ay xireen Wadaadka lagu magacaabo Mustaf Cali Caanood oo si weyn looga yaqaano baraha Bulshada, kaasoo dowladda ay ku eedeysay inuu faafiyo aragtida waxa loogu yeero xagjirka. War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya...
Soomaaliya ayaa kaalinta labaad ka gashay tartanka caalamiga ah ee Qur'aanka Kariimka ah ee dalka Turkiga. Cabdiwahaab Qaasim Axmed oo ku tartamay soddonka jis ayaa galay kaalinta labaad. Soomaalida ayaa safka hore kaga jirta dadka kaalmaha sare sannadkasta ka gala tartamada Qur'aanka, taasi oo muujinaysa sida ay ugu wanaagsan yihiin...