Xuseen Sheekh Cali oo wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegay in askarta ka imaanaysa dalalka Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya ay yihiin kuwa aan xubin ka ahayn howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS.
“Waa qorshahooda inay ku yimaadaan gudaha Soomaaliya siddeed toddobaad gudahood,” ayuu yiri. Cali waxa uu ka gaabsaday in uu sheego tirada rasmiga ah ee ciidamada imaanaya, isaga oo ku sababeeyay “ujeedooyin shaqo”.
Wuxuu raaciyey: “Doorkooda waa in ay si wadajir ah u qorsheeyaan oo ay si wadajir ah ula howlgalaan taliska ciidamada amniga Soomaaliya. Marka, waxay la dagaalami doonaan Al-Shabaab iyagoo kaashanaya ciidamada Soomaaliya, qorshaha waa sidaas”.
Madaxda saddexda dal ayaa ka qeyb galay shir madaxeed uu 1-dii bishii Febraayo ee sanadkan martigeliyay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.












