Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeer ku Tagay Ceelka Shidaalka ee Curad1 ee markabka Turkigu ka Hawl-gelayo.

0
376

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey ee Turkiga, kaas oo ku sugan biyaha Soomaaliya, halkaas oo uu ka wado hawlaha qodista shidaalka.

Madaxweynaha ayaa khubarada iyo mas’uuliyiinta markabka ka dhageystay warbixin ku saabsan hawlaha qodista shidaalka ee socda, shaqada la qabtay iyo natiijooyinka hordhaca ah ee laga gaaray, kuwaas oo qayb ka ah dadaallada lagu ogaanayo laguna xaqiijinayo khayraadka shidaal ee ku jira biyaha Soomaaliya.

Safaaradda Turkiga ee Muqdisho ayaa sheegtay in booqashadu ay muujinayso horumarka iskaashiga labada dal ee dhinaca tamarta, iyadoo xustay in hawlgalka markabka Çağrı Bey uu yahay tallaabo muhiim u ah xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga.

Markabka Çağrı Bey ayaa ah madal casri ah oo loogu talagalay qodista shidaalka iyo gaaska ee biyaha badda ee moolka dheer. Hawlgalka uu ka wado xeebaha Soomaaliya ayaa qayb ka ah heshiisyada iskaashiga tamarta ee labada dal.

Safaaradda Turkiga ayaa sidoo kale sheegtay in Ankara ay ka go’an tahay taageerada Soomaaliya ee dhinacyada amniga, horumarka iyo xoojinta hay’adaha dowladda.

Natiijooyinka hordhaca ah ee laga gaaray qodista shidaalka ayaa la filayaa inay qayb ka noqdaan xogta lagu qiimaynayo khayraadka shidaal ee ku jira biyaha Soomaaliya.