Afar Degmo Kamid ah Gobolka Baay oo Madaxweynihii Hore C/casiis Lafta Gareen Sheegay in ay La Wareegeen.

0
5

Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), ayaa sheegay in ciidamo isaga taabacsan ay la wareegeen afar degmo iyo deegaanno kale oo ka tirsan gobolka Bay, kadib hawlgallo iyo dagaallo maalmihii la soo dhaafay ka dhacay deegaannadaasi.

War-saxaafadeed uu soo saaray ayuu Lafta-gareen ku sheegay in ciidamadiisa Daraawiishta ay dib ula wareegeen degmooyinka Qansaxdheere, Buurhakaba, Berdaale iyo Diinsoor, iyo deegaanka Awdiile.

Lafta-gareen ayaa sheegay in hawlgallada ay ujeeddadoodu ahayd sugidda amniga iyo soo celinta xasilloonida, isaga oo bogaadiyey ciidamada iyo shacabka deegaannada uu sheegay in dib loo qabsaday.

Wararka laga helayo gobolka Bay ayaa sheegaya in ciidamada taabacsan Lafta-gareen ay maalmihii u dambeeyey la wareegeen deegaanno dhowr ah, iyadoo iska horimaadyo ay ka dhaceen Buurhakaba, halka warar kale ay sheegayaan in deegaanno qaar aan dagaal ka dhicin markii ay ciidamadu galeen.

Lafta-gareen ayaa sidoo kale sheegay in shacabka Koonfur Galbeed ay xaq u leeyihiin inay ka qaybqaataan go’aannada siyaasadeed ee masiiriga ah ee saameeya mustaqbalkooda iyo maamulka deegaannadooda.

Maamulka cusub ee Koonfur Galbeed ee uu hoggaamiyo Aadan Madoobe ayaa lumiyay gacan ku haynta degmooyin muhiim ah oo ka tirsan maamulkaas, iyadoo ay sii kordhayso khatarta ah in mucaaradku la wareegaan magaalada Baydhabo.

Ciidamada mucaaradka ee taabacsan Lafta Gareen ayaa dhowr jeer gudaha u galay magaalada Baydhabo, taas oo sii xoojisay walaaca laga qabo in maamulka cusub uu waayo gacan ku haynta xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka.