Xiisad dagaal iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo laga soo sheegayo duleedka magaalada Laascaanood.

0
538

Ciidamada Somaliland ee ku sugan Dhuxun iyo Gooja-cadde ayaa halkaas ka wada dhaq dhaqaaqyo ciidan iyo abaabul dagaal oo xooggan.

Taliska Muuse Biixi oo maalmo ka hor lagu jebiyay jiidaha dagaalka Laascaanood ayaa mar kale is abaabul wada si uu weerar ugu qaado ciidamada degaanka SSC.

Korneyl Muuse Biixi ayaa sida la rumaysan yahay maalmahan ka shaqaynayay dib u abaabulka ciidamadii Somaliland ee ku kala daatay dagaalkii Laascaanood.