Labo askari oo ka tirsan ciidamada sida gaarka ah tababaran ee DANAB ayaa ku dhintey kadib markii mooto bajaaj ay saarnaayeen ay miino kula qaraxday deegaanka Xaanshooley oo dhinaca waqooyi ka xigta magaalada Jowhar,xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle.
Qaraxan oo ahaa miinada dhulka la geliyo ayaa sidoo kale waxaa ku dhintey darawalkii mooto bajaajta iyo qof kale oo shacab ahaa oo saarnaa mootada.
Mootadan lala eegtay qaraxa ayaa ka baxday magaalada Jowhar kuna sii jeeday deegaan ku dhow garoonka diyaaradaha halkaas oo ay saldhig ku leeyihiin ciidamada Danab.
Deegaanka Xaanshooley ee duleedka degmada Jowhar ayaa hore qaraxyo miino oo ka dhacay waxaa ku dhintey dad badan oo rayid iyo ciidamo isugu jira iyadoo ururka