Odayaal iyo waxgarad kasoo kala jeeda beelaha reer xaaji saleebaan iyo Sacad oo ka wada tirsan Beesha Habargidir ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay maamul u sameynta degmada Hobyo ee gobolka Mudug.
Waxgaradka labada beelood ayaa mid waliba waxay sheeganeysa iney tahay beesha ugu badan ee degta degmada Hobyo, islamarkaana...
Khilaafka siyaasadeed ee arrimaha doorashada Puntland ayaa lugaha la galay ciidamada, kaddib markii xalay sarkaal katirsan ciidamada uu ka horyimid diiwaan galinta doorashada qof iyo cod.
Xalay warqad kasoo baxday sarkaal ciidan oo lagu magacaabo Jimcaale Jamaac Takar oo sheegtay inuu yahay taliyaha ciidamada Danab ee Puntland ayaa ka digay...
Taliska ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS ayaa sheegay inay ka xun yihiin dil askari katirsan ciidankooda uu ka geystay Isgoyska Ceelgaabta ee magaalada Muqdisho.
Baaritaano horudhac ah oo la sameeyay ayaa lagu sheegay in falkaan dilka ah uu yimid kadib markii sida ay sheegeen qof aan la aqoonsan uu ku...
Dowladda Kenya ayaa shaacisay inuu gabagabo marayo qorshe ay dib ugu fureyso xaduuda Mandhera ay kala wadaagto Soomaaliya, islamarkaana qeyb ka ah dadaalada lagu hagaajinaayo amaanka xaduuda iyo la dagaalanka badeecooyinka koontarabaanka ah.
Talaabadaan ayay Kenya sheegtay iney ku timid wadatashiyo heer sare ah oo ay yeesheen labada dal ee...
Dilka sarkaal sare oo ka tirsanaa kooxda Daacish oo ku dhawaad labo todobaad ka hor ay ciidamada Mareykanka ku dileen buuralayda gobolka Bari ee Puntland, ayaa tooshka ku ifiyay shabakad maaliyadeed oo ka jirta Geeska Afrika sida uu sheegay sirdoonka Maraykanka.
Xoghayaha difaaca Lloyd Austin ayaa sheegay in Bilaal Suudaani...
Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya ayaa muddo labo sano ah kaddib markii u horreysay waxa uu la kulmay madaxda u sarreysa ee TPLF, kulankan waxaa ku wehelinayay masuuliyiin sare oo kamid ah xukuumadda Ra'iisal Wasaare Abiyi Axmed.
Sida ay baahisay Warbaahinta ku hadasha afka dowladda Itoobiya, Ra'iisal Wasaare Abiyi Axmed iyo madaxda...
Xisbiga Jamhuuriga ayaa xildhibaan Ilhaan Cumar ka xayuubiyay xubinimadii guddiga arrimaha dibadda ee golaha Koongareeska Maraykanka, taasoo muujineysa xiisadda ka dhex aloosan Dimquraadiga iyo Jamhuuriga.
Xildhibaanada ayaa waxay u codeeyeen in Ilhaan Cumar laga saaro guddiga arrimaha dibadda ee aqalka hoose sababo la xiriira hadallo hore oo ay ka bixisay...
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baydhaba halkaasi oo uu ka socda wajiga labaad ee shirka dib u heshiisiinta Koonfur-galbeed.
Safarka Madaxweynaha oo ah kii labaad ee uu ku tago magaalada Baydhabo muddo 11 maalmood gudahood ah ayaa lagu sheegay inuu ku saabsan yahay...
Dowladda Kenya ayaa waxay qorsheynaysaa inay ka qayb-geliso ciidamada kaydka ah ee booliiska deegaannada ay Alshabaab ku badan yihiin ee waqooyiga Kenya si loo billaabo howlgallo cusub.
Qorshahaan waxaa ku dhawaaqay wasiirka arrimaha gudaha Kithure Kindiki, isagoo socdaal dhanka amniga ah ku marayay degmada Mandheera ee waqooyi Bari.
Prof Kindiki ayaa...
Dawladda Federalka Soomaaliya oo Loogu Baaqey in ay Difaacdo Xuquuqda Muwaadininimo ee Shacabka SSC.
Raysal wasaarayaal hore, guddoomiyayaal barlamaan oo hore, Wasiiro hore, siyaasiyiin iyo aqoonyahanno Soomaaliyeed, ayaa dowladda federalka ugu baaqay in ay caddeyso mowqifkeeda ku saabsan qaddiyada shacabka SSC.
Bayaan ay soo saareen ayay ku sheegeen in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay inay mabda’ ahaan u difaacdo xorriyadaha iyo xuquuqaha muwaadiniinta aaminsan...


















