3,800 macalimiin ah oo uu imtixaanka saakay uga furmay xarunta jaamacadda Umadda ee degmada Xamarweyne.

0
491

Raiisul wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa Daah furay imtixaanka macalimiinta cusub ee u tartamayo seddex kun oo macalin oo ay dowladda Soomaaliya qaadaneyso.

Imtixaanka waxaa ka Galey 8000 oo macallin, oo ku galaya imtixaanaadka 22 goobood oo ku kala yaala 11 magaalo

Wasiirka waxbarashada XFS ayaa sheegtay in Gobolka Banaadir laga qaadanayo kun macalin oo ka mid ah saddexda kun ee macalin oo dalka oo dhan laga qaadanayo.

Ra’iisul Wasaaraha oo kormeerey goobaha lagu qaadayo Imtixaanka oo ay kamid tahay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, ayaa guul taariikhi ah ku tilmaamay in wasaaraddu shaqaaleyso tiro intaan le’eg oo macallimiin ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumaddiisa Dan-Qaran ay ahmiyadda koowaad siineyso sidii canshuurta laga qaado dadka Soomaaliyeed dib loogu celin lahaa, si fursad waxbarasho loo siiyo Saddex Milyan oo carruur Soomaaliyeed, kuwaas oo gaaray da’dii waxbarasho.

Lacagta ay qaadanayaan Macalimiinta oo heysta shahaadada heerka 1-aad ee Jaamacada ayaa lagu sheegay 400$ ilaa 600$ oo toos ugu soo dhaceysa wasaaradda waxbarashada