Koox Bastoolado ku hubeysan oo 2 nin ku dishay Isgoyska Fagax ee Muqdisho halka ay dhaawaceen 2 kale,

0
402

Koox Bastoolada ku hubeysan ayaa 2 nin ku dishay Isgoyska Fagax ee Muqdisho halka ay dhaawaceen 2 kale, waxaana la sheegayaa halka uu dilka ka dhacay in ay aheyd goob lagu iibiyo Maandooriyaha.

Waa goobtii 2-aad oo 24 saac gudahood ay weeraraan koox Bastooladey ah islamarkaana ay dad ku dilaan. Dilkii kan ka horreeyay oo ka dhacay Tabeelaha Sheekh Ibraahim waxaa mas’uuliyadiisa sheegtay Al-shabaab oo maalin ka hor u hanjabay Ciyaal weerada iyo dadka ka ganacsada Maandooriyaha.

Dowladda Soomaaliya ayaa hore ugu fashilantay in ay xakameyso Maandooriyaha iyo Ciyaal weerada, balse hadda waxaa dagaal ku bilaabay Al-shabaab oo Xukunkooda kaliya yahay dil toogasho ah, taasoo halis gelin karta dhalinyaro badan oo wax ka qabad leh haddii ay helaan daryeel iyo waxbarid.