Dalka ayaa galay xaalad amni oo aad u xun waxaana laga cabsi qabaa in xaaladda kasii darto, haddii aysan dowladda la imaanin isbadal deg deg ah.
Siinaay dagaal ka dhacay oo laba ciidan ah waxaa ku dhaawacmay Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid, waxaana jira Khasaare kale, waana markii 2aad oo halkaas lagu dagaalamo, sidoo kale waa markii 3aad oo bil gudaheed ciidamo ku dagaalamaan Muqdisho.
Beladweyne waxaa ka bilaawday Afduub salka ku haayo Xarig Sharci darro ah oo ay Booliska Soomaaliya u geesteen Weriye Cabdalla Muumin, waxaana dhici karto in arrintu sababto isku dhacyo qabiil oo hadda maraya marxalad Afduub ah.
Hore waxaa looga cabanayay dilal iyo dhaca dadweynaha, sidoo kale waxaa cabasho laga ahaa Mashaariicda dalka oo koox gaar ah loo xiray, siyaasadii oo dhabaheeda laga leexshay iyo Madaxweynaha oo albaabada xirtay kana aamusay xaaladda dalka.