Eedeysanayaal Loo Haystay Dilka Jeneral Boolis ah oo Mid kamid ah Maxkamada Ciidamadu Xukun Dil ah ku Ridday.

0
5

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa dil toogasho ku xukuntay dable Boolis Jamaal Xasan Cabdulle, oo lagu helay dilka taliyihii hore ee hoggaanka Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Booliska, Sarreeye Guuto Salaad Maxamed Guuleed, oo lagu dhex dilay gurigiisa 2-dii Juun 2026.

Maxkamadda ayaa sidoo kale Mustaf Xuseen Guure, oo loo yaqaan Kaamil, ku xukuntay hal sano oo il-ku-hayn amni ah, kaddib markii lagu eedeeyay inuu qayb ka ahaa falka dilka janaraalka.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida, Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, ayaa sheegay in go’aanka kiiska la soo saaray 22-kii Oktoobar, kaddib markii maxkamaddu waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda.

Jamaal Xasan Cabdulle, oo ahaa ilaaliyaha gaarka ah ee marxuumka, ayaa sida ku cad faahfaahinta kiiska ahaa qof uu janaraalku soo barbaariyay, kana caawiyay inuu ku biiro ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Tababar kaddib, waxaa loo beddelay hoggaanka Isgaarsiinta Booliska, halkaas oo uu janaraalku ka ahaa taliyaha.

Dacwadda ayaa lagu sheegay in khilaafka u dhexeeyay labada nin uu ka dhashay qori AK-47 ah oo dowladda lahayd, kaas oo marxuumka ku qornaa, Jamaalna uu u hayay ilaalo ahaan. Eedeysanaha koowaad ayaa lagu eedeeyay inuu qoriga iibiyay, lacagtii uu ka helayna u isticmaalay inuu ku ciyaaro khamaarka 1Xbet.

1-dii Juun, xill habeenimo ah ayay maxkamaddu sheegtay in Jamaal uu yimid guriga Janaraalka islamarkaasna uu rasaas ku dhuftay Sarreeye Guuto Salaad Maxamed Guuleed, isaga oo saddex xabbadood oo AK-47 ah kaga dhuftay dhabarka iyo gacanta.

Eedeysanaha ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu isku dayay inuu tirtiro raadadka dilka isaga oo adeegsanayay shukumaan iyo garan uu lahaa marxuumku, isla markaana tuuray fuuqaqa rasaasta. Dhaqdhaqaaqyadan ayaa qayb ka ahaa caddeymaha lagu soo bandhigay kiiska, iyadoo kamarad CCTV ah oo guriga ku xirnayd ay duubtay qaar ka mid ah dhaqdhaqaaqyada ka dhacay bannaanka guriga.

Eedeysanaha labaad, Mustaf Xuseen Guure oo loo yaqaan Kaamil, ayaa lagu eedeeyay inuu Jamaal ka caawiyay falka, isla markaana uu gudaha guriga ku sugnaa qiyaastii 12 daqiiqo kaddib dilka isaga oo aan wax gargaar ah siin marxuumka. Waxaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu hubiyay in bannaanka guriga aysan dad joogin, isla markaana uu saraakiishii goobta timid siiyay warbixin marin-habaabin ah.

Kaamil, oo ahaa saaxiibka marxuumka tan iyo 2019, ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu adeegsaday aqoonsiyo iyo darajooyin ciidan oo been abuur ah. Xiriirka ka dhexeeyay isaga iyo janaraalka ayaa la sheegay inuu ku salaysnaa aqoon iyo farsamada shaqada, waxaana markii dambe ay wada degeen hal guri.