Dagaalka ayaa dhacay kadib markii ciidan iyo gawaari uu watay Gudoomiyaha degmada Yaaqshiid loo diiday inuu ka gudbo Kontarool laga ilaaliyo magaalada oo halkaas ku yaala.
Waxaa bartaas Kontarool jooga ciidamo katirsan kuwa Booliska iyo waliba kuwa katirsan NISA iyadoo isfahan waa dhexmaray ciidamada uu sababay in halkaas uu dagaal ka dhaco.
Waxaa lasoo warinayaa in gaariga Gudoomiyaha oo Buruuf ahaa in lagu dhuftay saban sidoo kale dhashiike lala dhacay ismalarkaana lagu gubay Laba gaari iyada oo 5 qof ay ku dhinteen weerarkas halka laba kale ay ku dhaawacmeen.
Ciidamada DFS ayaa sidan oo kale dhowr jeer uu dagaal ku dhexmaray isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho waxaana maalmahan sii xumaanaya amniga magaalada.