Thursday, August 27, 2026
Cabdullaahi Xadeed Cali Mire oo katirsanaa ururka Daacish ayaa iskusoo dhiibay ciidamada amniga Puntland. Qoraal kasoo baxay taliska ciidanka PSF ayaa lagu sheegay inuu ninkan tagay degaanka Balidhidhin ee gobolka Bari, wuxuuna sheegay inuu kasoo goostay kooxda Daacish. PSF ayaa ugu baaqday cid kasta oo katirsan ururada Daacish iyo Alshabaab inay...
Soomaaliya iyo Koonfurta Sudan ayaa ah dalalka ugu musuq-maasuqa badan caalamka, sida lagu sheegay qiimeyntii ugu dambeysay ee ay soo saartay hay'adda Transparency International (TI). Marka loo eego qiimeynta musuq-maasuqa ee 2022 (CPI), Soomaaliya ayaa ah dalka ugu musuq-maasuqa badan, waxaana kaalinta labaad ku jira dalalka Koonfurta Suudaan iyo Suuriya. CPI...
Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in xukuumadu anay ogolaaynayn in nabadgalyada Laascaanood ay khal-khal gasho. Wasiirka oo ka hadlayay munaasinada xuska 29 guurada kasoo wareegtay aasaaska ciidamada millateriga oo lagu qabtay Laascaanood, ayaa sheegay in anay ogolaanayn cidkasta oo iskudayda in ay dhibaatayso shacabka magaalada. "Waajibaadka qaran...
Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa kulan la qaatay saraakiil ka tirsan taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ee ku sugan Xeebaha magaalada Hobyo ee gobolka Mudug. Madaxweyne Qoorqoor ayaa la sheegay inuu kala hadlay saraakiisha Ameerikaanka ah howlgalada ka dhanka ah Kooxda Al-shabaab, islamarkaana uu ka codsaday...
Urur goboleedka IGAD ayaa madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ku amaanay, dadaalo dhexdhexaadineed oo uu ka wado xiisada ka taagan Laascaanood. Xogeeyaha Guud ee Urur Goboleedka IGAD Workneh Gebeyehu, ayaa sheegay in xiisada Laascaanood ay ururka ku abuurtay walaac, isaga oo sheegay in ay u baahantahay in fiiro gaar ah...
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta oo Khamiis ah xukun dil toogasho ah ku fulisay afar askari oo ka tirsana ciidamada dowladda Soomaaliya. Askarta la toogtay ayaa ka kala tirsana qeybaha kala duwan ee ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya sida Militariga, Nabadsugida iyo Booliiska, kuwaas oo loo heystay dilal...
Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa sheegay in dagaalka lagula jiro argagixisada Geeska Afrika uu u baahan yahay dadaal wadajir ah. Willian Ruto ayaa xusay in gobolku uu qaato istiraatijiyad mideysan oo lagula dagaalamayo argagixisada iyo dambiyada la xiriira. Wuxuu sheegay in dadaal wadajir ah, madaxdu ay awood u leeyihiin in...
Waxaa si rasmi ah goordhaw oo Maanta ah magaalada Muqdisho uga furmay shirka Wasiiradda Gaashaandhigga iyo Taliyeyaasha ciidamada dalalka Soomaaliya, Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya ee la isku yiraahdo dalalka safka hore. Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa shaacisay in shirkaan uu yahay mid diirada lagu saarayo dhameystirka howlgalada ka dhanka...
Garaad ka guud ee beelaha SSC Garaad Jaamac Garaad Cali, ayaa sheegay in gobolka Sool anay argagixiso joogin, isaga oo ciidamada Somaliland ku eedeeyay argagixisonimo. Garaad Cali, oo u jawaabayay madaxweyne Biixi ayaa  sheegay in dadka shiraya anay argagixiso ahayn, wuxuuna inta ku daray in hadalka madaxweynuhu uu dhibaatadii hore...
Dowladda Mareykanka ayaa ku cadaadinaysa maalqabeenada gacanka Carbeed, iyo sidoo kale Yurub, inay sare u qaadaan gargaarka bini'aadantinimo ee Soomaaliya ka hor inta aysan cunto yari noqonin macaluul. Linda Thomas-Greenfield, safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobay, ayaa ku eedeysay waddamada qaniga ah ee ah xulafada Mareykanka iyo kuwa kasoo horjeedaba in...