Eng Maxamuud Caydiid Durraan, wasiirka isgaarsiinta, tiknolojiyadda iyo warfaafinta Puntlan oo ka jawaabtay eedeymo kaga yimid Muuse Biixi
Maamulka Puntland ayaa gaashaanka u daruuray eedeymo ay wasaaradda gaashaandhigga ee Somaliland u jeedisay oo ay ku sheegtay in Puntland ay saakay qayb ka ahayd weerar lagu soo qaaday saldhig ciidan oo ay joogeen ciidamada Somaliland.
Wasaaradda gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday madax-banaanida ee Somaliland ayaa qoraal ay saaka baahisay ku eedeysay maamulka Puntland ee Soomaaliya oo ay is-garabsanayaan Kooxo ay ku sheegeen “nabad-diidka iyo argagixiso” iyaga oo intaas ku daray in mas’uuliyadda weerarka ay qaadi doonto Puntland.
Waxa uu sheegay in Puntland aysan ciidan u dirin sidoo kalena mas’uuliyiin kale aysan halkaas ka joogin oo qeyb ka ah dagaalka Laascaanood.
Waxa uu sidoo kale sheegay in Somaliland ay dhowr jeer dagaalka Laascaanood ku eedeysay DFS iyo Puntland iyadoo ay xusid mudantahay in Somaliland ay soo duushay ismalarkaana dad badan ay ku dhinteen dagaalka.












