Wednesday, August 26, 2026
Xoogag ka tirsan Al-shabaab ayaa Saaka gudaha u galay deegaanka Ceel-baraf oo ka tirsan gobolka Shabeellada dhexe, halkaasoo ay ciidamadii DF ee ku sugnaa ay isaga soo baxeen laba maalmood ka hor. Dadweynaha  ku nool deegaankaas ayaa sheegay inay soo galeen deegaanka gaadiid dagaal oo ay wataan xoogaga Al-shabaab ayna hadda ku...
Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali , ayaa maanta magaalada Garoowe kulan kula qaatay, Wafdi ka socday Ururka IGAD oo uu hoggaaminayo xoghayaha guud ee ururkan, Maxbuub Macallin, waxayna ka wada-hadleen mashaariicda horumarineed ee IGAD ay ka waddo Puntland. Waftiga urur-goboleedka IGAD, ayaa safarkooda lagu sheegay horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Puntland oo...
Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud oo hada ku sugan degmada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa soo dhoweeyay heshiiskii magaalada Kismaayo ay dhawaan kala saxiixdeen maamulka Jubbaland iyo mid ka mid ah beelaha dega gobolladaas. Xasan Sheekh ayaa xusay, in heshiiskaas uu ka tarjumayo biseylka shacabka Soomaaliyeed iyo fahamka dib...
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa saakay Magaalada Beledweyne kulan kula yeeshay - Shan duub-dhaqameed, kuwaasoo ay kawada hadleen shirka dhismaha maamulka Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe. Laakiin, duubabka dhaqanka kulanka la yeeshay madaxweynaha ayaa sheegay in go'aan ka gaarista shirka Jowhar muhiim tahay in ay u dhan yihiin guud ahaanba...
War saxaafadeedkan uu soosaarey isbaheysiga xisbiyada siyaasada soomaaliya ayaa waxa uu ka danbeeyey kulamo badan oo uu isbaheysigu ka yeeshey daruufaha qalafsan ee uu dalku marayo ee dhinacyada siyaasadda,ammaanka, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada. Sidaas darteed isbaheysigu markuu tix geliyey baahida loo qabo ka hadalka arrimaha aan soo sheegney,markuu daraaseeyey sida...
Xubnihii Mas'uuliyiinta ahaa ee ka cadhooday shirkii golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE ee la baxay isbahaysiga dimuqraadi doonka Kulmiye ayaa ka jawaabay shan xubnood oo xisbigu sheegay in guddidii golaha dhexe, guddida fulinta iyo xubinimadii xisbiga laga saaray. Sidoo kale, waxay gudoomiyaha xisbiga KULMIYE waxay ku dhaliileen inuu ku fashilmay...
Hoolka Daawad ee magaalada Kismaayo ayaa waxaa maanta lagu qabtay munaasibad ballaaran oo loo qabtay gunaanudka wadahadallo magaalada Kismaayo uga socday hogaanka Jubaland iyo siyaasiyiin kasoo jeeda beesha Sade oo wax ka tabanayay maamulka. Wadahadalladan oo soo maray marxalado kala duwan ayaa waxaa laga soo saaray ilaa 14 qodob oo...
Wafdi uu Hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Cumar Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa goor-dhow ka dagay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Garoowe ee Xarunta Puntland, halkaasoo ay kusoo dhaweeyeen Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland. Xubnaha wafdiga RW Somalia oo isugu jira labada gole ee xukuumadda Somalia ayaan la ogeyn illaa hadda qorshaha...
Golaha Ammaanka ee QM, ayaa muddadii hawl-galka u kordhiyay xafiiska Qaramada Midoobay ee Arrimaha Somalia , iyadoo muddada uu shaqeynayo la gaarsiiyay illaa 31-ka Maarso, 2017-ka oo ah sannadka soo socda. Xubnaha Golaha Amaanka ee QM, ayaa sheegay in xafiiska UNSOM ee Somalia uu yahay mid hawlo muhiim ah ka...
Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan xubno ka tirsan labada gole ee dowladda federaalka Soomaaliya oo ay ka mid yihiin; Wasiirka Amniga, C/risaaq Cumar Max'ed, Wasirka Batroolka Maxamed Mukhtaar Ibraahi, wasiirka dhallinyarada & cayaaraha Maxamed C/llaahi Xasan Nuux, Xildhibaanno iyo xubno kale oo dowladda ka tirsan, ayaa...