Xoogag ka tirsan Al-shabaab ayaa Saaka gudaha u galay deegaanka Ceel-baraf oo ka tirsan gobolka Shabeellada dhexe, halkaasoo ay ciidamadii DF ee ku sugnaa ay isaga soo baxeen laba maalmood ka hor.
Dadweynaha ku nool deegaankaas ayaa sheegay inay soo galeen deegaanka gaadiid dagaal oo ay wataan xoogaga Al-shabaab ayna hadda ku sugan yihiin qaybo ka mid ah Ceel-baraf.
Wararka, ayaa intaas raacinaya in xoogagan ay jabiyeen guryo deegaankaas ku yaalla oo ay sheegeen inay ka baadi-goobayaan Dad ay sheegeen inay ciidamada xoogga Dowladda FS la shaqeeyaan, kuwaasoo la sheegayo in ay ku jiraan odayaasha dhaqanka deegaanka Ceel-baraf.
Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in weli ay joogaan ciidamadii AMISOM ee saldhigyada ku lahaa Ceel-baraf, kuwaasoo gabbaad siiyay qaar ka mid ah shacabka deegaankaas oo ka baqaya in xoogagga Al-shabaab ee galay ay beegsadaan.
Ciidamadii Dowladda Soomaaliya, ayaa Jimcihii lasoo dhaafay isaga baxay xeryihii ay uga sugnaayeen deegaankaas, iyadoo wararku sheegayaan inay mushaaraadkoodii ay doonteen, laakiin markii ay isku dayeen inay dib ugu laabtaan deegaanka ay jidka u galeen xoogag ka tirsan Al-shabaab.
Dhanka kale, Dadka deegaanka Ceel-bafar qaarkood oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxay sheegeen in ciidamadii DFS ee jidka loo galay ay aadeen dhanka deegaanka Biya-cadde oo ka tirsan isla gobolka Shabeellada Dhexe, halkaasoo ay haatan ku sugan yihiin.
Ugu dambeyn, Deegaanka Ceel-baraf ayaa wuxuu ka mid yahay Deegaannadii Al-shabaab laga saaray bishii lasoo dhaafay ee sanadkan, kaddib markii ay si wadajir ah hawlgallo uga sameeyeen ciidamada Somalia iyo kuwa AMISOM ee taageera.





