Madaxweynaha Soomaaliya Xasan SHeekh Maxamuud oo sheegey in loo bahanyahey dib u heshiisiinta ay sameysey Jubaland in lagu deydo lana xoojiyo is fahamka bulshada.

0
575

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud oo hada ku sugan degmada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa soo dhoweeyay heshiiskii magaalada Kismaayo ay dhawaan kala saxiixdeen maamulka Jubbaland iyo mid ka mid ah beelaha dega gobolladaas.

Xasan Sheekh ayaa xusay, in heshiiskaas uu ka tarjumayo biseylka shacabka Soomaaliyeed iyo fahamka dib u heshiisiinta iyo dib u soo kabashada Soomaaliya.

“Waxaan ku bogaadinayaa maamul-goboleedka Jubbaland iyo beelaha deggen tallaabadaan horumarka leh ee ay qaadeen. Heshiiska Kismaayo, Wuxuu muujinaya baahida loo qabo in la ballaariyo – lana dhiiri-geliyo hawlaha dib u heshiisiinta. Waxaan Jubbaland iyo beelaha ku boorinayaa in ay sii wadaan hawshaan oo saldhig u ah dhismaha Soomaaliyada cusub ee aan doonayno inay ku saleysnaato wada-noolaansho, ammaan, is-aqbalid iyo in laga wada-shaqeeyo horumarka,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale, Madaxweynaha Somalia ayaa sheegay in Jubbaland ay tusaale fiican u noqotay Somalia inteeda kale isagoo ugu baaqay maamullada iyo deegaannada kala duwan ee dalka – inay qaadaan dhabbaha hirgelinta iyo ballaarinta hawlaha dib u heshiisiinta.

Ugu dambeyn, Xasan Sheekh ayaa xusuusiyay Shacabka Soomaaliyeed in dib u soo celinta kalsoonida is-aaminaadda dhexdooda ah ay ku imaan karto oo keliya inay is-cafiyaan, kana wada-shaqeeyaan dib u heshiisiinta dhexdooda ah.

beco2