Weerarkii Is-miidaaminta ahaa ee saakay Waqooyiga Degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ka dhacay, ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 10-qof, inkastoo Duqa Gaalkacyo ee Puntland uu u sheegay Warbaahinta in Weerarkaas Qarax lagu dilay siddeed qof, iyadoo mas’uuliyaddiisa ay sheegatay Al-shabaab.
Qaraxaan oo uu fuliyay ruux miineysan, ayaa ka dhacay...
Xildhibaan Tim Wanyonyi oodeegaanka Westlands ee waddanka Kenya laga soo doorto, ayaa sheegay in Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ay tahay inuu ka laabto qorshihiisa ah in ciidamada Kenya ee qaybta ka ah AMISOM ay sii joogaan gudaha Soomaaliya.
Mudanaha oo ka hadlayay Baarlamaanka Kenya Talaadadii shalay ahayd, ayaa sheegay in laga...
Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas, ayaa Maanta kula kulmay Garoowe, Wafdi ka socday dalka Turkiga oo uu Hoggaaminayay safiirka Turkiga u fadhiya Somalia, Olgan Bakar.
C/weli Gaas iyo danjire Olgan Bakar ayaa ka wadahadlay xiriirka u dhexeeya Puntland iyo dawladda Turkiga, arrimaha bulshada, xaalada bani’aadanimada, mashaariic horumarineed oo Turkigu...
Waddanka BARMA ama MYNMAR, ayaa maanta loo dhaariyay hoggaanka dalkaas madaxweynihii ugu horreeyay oo rayid ah muddo 50-sano ka badan. Waxaana Madaxweynahan cusub uu Arbacada maanta ah, si rasmi ah ula wareegay xafiiska, kaddib xaflad ka dhacday madaxtooyada dalkaas.
Htin Kyaw oo 70- sano jir ah, ayaa hadal kooban oo...
Ugu yaraan shan ruux oo isugu jiray saddex Somali ah iyo laba Turki ah ayaa lagu dilay weerar ay goor-dhow kooxo hubeysan oo aan la aqoonsan ku qaadeen gaari ay wateen dadkaan la laayay oo ka mid ahaa shaqaalaha isbitaalka DEVA oo Turkigu uu ku leeyahay Magaalada Muqdisho.
Weerarkan oo...
Kooxo hubeysna oo aan la garanayn ayaa ku dilay xalay degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir Muwaadin Soomaali-Canadian ah oo dalka dib ugu soo laabtay, iyadoo lagu dhex-toogtay masjid uu Salaad ku tukanayay.
Sade Mahad Dirir Guuleed oo 40-jir ahaa, ayaa ka yimid magaalada Toronto, Inkastoo aan la ogeyn cidda ka...
Madaxeynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas iyo RW Soomaaliya, Cumer C/rishiid Cali Sharma’arke, ayaa Maanta si Wadajir ah u Dhagax-dhigay dhismaha cusub ee wasaaradda warfaafinta Puntland.
Dhismahan ayaa noqon doono mid lagu dardar-gelin doono isgaarsiinta Puntland iyadoo la adeegsanayo tiknoolojiyadda casriga ah (ICT); waxaana maal-gelinaya Bangiga Adduunka.
Madaxweynaha Puntland, Dr. C/weli Maxamed...
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sh. Cusmaan , ayaa magaalada Kampala ee caasimadda Uganda maanta ka furay kulan howleed ku aaddan diyaarinta qorsheyaasha Kal-fadhiga sideedaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaasoo ay ka Qayb-galayaan Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada ka jira dalka qaarkood.
Hadal uu Prof. Jawaari ka jeediyey furintaanka shirka ka jeediyay Jawaari ayuu...
Xukuumadda Somaliland, guddida doorashooyinka, asxaabta qaranka iyo golaha Wakiiladda, ayaa isla qaatay in dib loo dhigo diiwaangelintii codbixyeyaashii, inkasto xisbiga WADANI qaadacay dib u dhigistaasi.
Kulan uu madaxweyne Axmed Siilanayo iskugu yeedhay, guddida doorashooyinka, asxaabta qaranka iyo golaha Wakiiladda ayaa isku raacay in dib loo dhigo diiwaangelinta si loogu gurmaddo...
Safiirka Ruushka u fadhin doona soomaaliya oo M/weyne Xasan SHeekh waraaqihii aqoonsiga ka gudoomey.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta warqadihii Aqoonsiga kaga guddoomay safiirka cusub ee waddanka Ruushka, ahna wakiilka dalka Ruushka ee Somalia, Mr Sergey Kuznetsov.
Xasan Sheekh ayaa kulankaas ka sheegay, in Somalia ay gacmo furan kusoo dhaweyneyso danjire Kuznetsov, isla markaana ay si buuxda ula shaqeyn doonto, inta uu...

















