Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali [Gaas], ayaa maanta magaalada Garoowe kulan kula qaatay, Wafdi ka socday Ururka IGAD oo uu hoggaaminayo xoghayaha guud ee ururkan, Maxbuub Macallin, waxayna ka wada-hadleen mashaariicda horumarineed ee IGAD ay ka waddo Puntland.
Waftiga urur-goboleedka IGAD, ayaa safarkooda lagu sheegay horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Puntland oo ay ka mid ahayd; wajiga labaad ee dhameystirka dhismaha guud ee garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso, sida war-murtiyeed kasoo madaxtooyada Puntland lagu xusay.
Sidoo kale, Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in IGAD ay Puntland u timid masaariic dhawr ah oo ay ka mid yihiin; dhameystirka garoonka diyaaradaha Boosaaso, adkaynta Amaanka, dugsiyo lagu baran doono Farsamada gacanta iyo Kalluumaysiga oo dhawaan laga hirgelin doono Puntland.
Xoghayaha guud ee ururka IGAD, Danjire Maxbuub Macallin oo isaguna hadlay ayaa ku Ammaanay ciidamada Puntland guushii ay ka gaareen dagaalkii ay Al-shabaab la galeen, iyagoo aan haysan taageero caalami, isagoo tallaabadaas ku tilmaamay inay tahay mid ku habboon in Puntland looga daydo.
Danjire Maxbuub Macallin ayaa dhanka kale sheegay in dhammaystirka wejiga labaad ee garoonka diyaaradaha Boosaaso la billaabayo bisha Abriil ee sanadkan illaa toddobaadka ugu horreeya ee bisha May, wuxuuna intaas raaciyay in IGAD ay ka qayb-qaadan doonto wax-ka-qabashada abaaraha ka jira Puntland.
Ugu dambeyn, Wafdigan ka socday urur-goboleedka IGAD ee maanta gaaray Garoowe oo ah Xarunta Puntland, Waxaana xubnihiisa ka mid ahaa danjiraha Somalia u fadhiya Kenya, Danjire Jamaal Maxamed Xasan.






