Xisbiga Wadani oo qaadacey isdiiwaan gelin dib loo dhigey sadex gobolna ku kooban waa maxey sababta dib u dhigista hada soo if baxdey?.

0
598

Xukuumadda Somaliland, guddida doorashooyinka, asxaabta qaranka iyo golaha Wakiiladda, ayaa isla qaatay in dib loo dhigo diiwaangelintii codbixyeyaashii, inkasto xisbiga WADANI qaadacay dib u dhigistaasi.

Kulan uu madaxweyne Axmed Siilanayo iskugu yeedhay, guddida doorashooyinka, asxaabta qaranka iyo golaha Wakiiladda ayaa isku raacay in dib loo dhigo diiwaangelinta si loogu gurmaddo dadka abaaruhu saameeyeen.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo akhriyeyaa qodobadda lagu heshiiyey waxa uu yidhi:

1. Shirkan waxaan idinku yeedhay in aynu ka wada tashanno sidii aan isu waafajin lahayn Diiwaangalinta Cod-bixiyayaasha laga qabanayo Gobollada hadhay iyo Gurmadka bini-aadannimo ee inagala gudboon xaaladda abaaraha ka sii daraysa.

2. Waxaan ku hambalyeynaya Guddida Doorashooyinka iyo Axsaabta Qaranka sida ay isaga xil saareen taabba-galinta Diiwaangalinta Cod-bixiyayaasha, waxaana waajib ah in aynu dhammaystirno mashruucan sidii loogu talo galay innagoo midaysan.

3. Waxaan idiin caddaynaya in ay Madaxweyne ahaan iga go’an tahay in aan dalkan ka suurtogaliyo doorasho xor iyo xalaal ah oo ku qabsoonta xilligii loogu talo galay. Waxaan ka soo horjeeda sabab kasta oo dib u dhig keeni karta.

4. Sidaad la socotaan, xaaladda Abaaraha ee dalku way ka sii daraysa maalinba maalinta ka dambaysa. Sidaa darteed, waxa inaga saaraan masuuliyad Qaran iyo gurmad deg deg ah in aynu ka geysanno.

Haddaba, waxa isoo gaadhaya talooyin badan oo farta ku fiiqaya in loo baahan-yahay in wakhti kooban la hakiyo diiwaangalinta si loogu gacan baxo gurmadka abaaraha. Arrintaa darteed, waxaan jecelahay innaga oo aan is tuhmin in aynu talo wadaag ka yeelanno.

Ugu dambayn, maadaama aynu ku jirno marxalad adag, waxaan idinkula dardaarmaya in aynu gees uga soo wada jeedsanno una midawno maslaxadda ummadda, danaha guud ee Qaranka iyo Gurmadka Abaaraha.”.

Intaas ka dib waxa halkaasi ka hadlay shir gudoonka labada gole Barlamaan, Labada Xisbi Qaran oo madaxweynaha ku hambalyeeyey go’aanka uu qaatay iyaguna ay ku raaceen kuna taageersan yihiin wixii shacbiga u dan ah.

Haseyeeshee, xisbiga WADANI masuuliyiintii ka qaybgashay ayaa iyagu ka biyo diiday go’aankaasi, kuwaasi oo sheegay in aanay muhiim ahayn in dib loo dhigo.

“Waxaad ogtihiin in diiwaangalintu dalka ka socotay saddex gobol oo hore waa lasoo maray saddex gobolna waa hadheen xukumadda iyo gudiduna iyagoo markii horeba ka cago jiidaysa diiwaangalinta waxay maanta soo dhigtay in saddexda gobol ee hadhay dib loo hakiyo, anaguna ka WADANI ahaan mawqifki nagaga adaanaa waan gudbinay arinkaana waanu diidnay mana aqbalyno wax dib loo dhigayana ma jirayo”ayuu yidhi gudoomiye ku xigeenka xisbiga WADANI Axmed Mumin Seed.

Waxaanu intaas ku daray. “Gobolka ugu abaarta xuni AWDAL ayuu ahaa iyo SALAL, oo madaxwayne ku xigeenku waliba codsaday in bil dib loo dhigo waa laga diiday tii uunbaan maantana anagu sii adkaynaynaa, gobolada dalkana loo kala eexan maayo oo goboladu way siman yihiin waxaan komishanka ko boorinaynaa in shaqadoodii oo khamiista la doonayay in ay Hargeysa ka bilaabmato ay sidoodii u wataan.”

beco2