Wadanka BARMA ama MYNMAR oo mudo 50 sano kadib loo dhaariyey m/wenyne rayid ah/waa kuma madaxweynahaasi?.

0
682

Waddanka BARMA ama MYNMAR, ayaa maanta loo dhaariyay hoggaanka dalkaas madaxweynihii ugu horreeyay oo rayid ah muddo 50-sano ka badan. Waxaana Madaxweynahan cusub uu Arbacada maanta ah, si rasmi ah ula wareegay xafiiska, kaddib xaflad ka dhacday madaxtooyada dalkaas.

Htin Kyaw oo 70- sano jir ah, ayaa hadal kooban oo uu ka jeedinayay xafladii dhaarintiisa, wuxuu ku sheegay inuu ku shaqeyn doono daacadnimo, sidoo kalena uu ka shaqeyn doono midnimada Dalka Myanmar/Barma. Waxaana sidoo kale xafladda lagu dhaariyay labadiisa Madaxweyne ku xigeen; Myint Swe iyo Henry Van Tio.

Madaxweynaha rayidka ah ee la wareegay Hoggaanka dalka Barma, ayaa waxay ka dhigan tahay inuu soo af-meerayo guud ahaan xukunkii xukuumaddii millateriga ee dalkaas kasoo talinaysay tan iyo sannadkii 1962-kii.inkastoo 2011-kii uu xukunka ka tuuray xukuumaddii ciidamada Thein Sein oo ahaa Jeneraal ciidan, kaasoo soo jeediyay in dalka lagu wareejiyo hoggaamiye rayid ah.

“Barma, kama aysan dhicin dimuqraadiyad buuxda, balse rajo ayaan ka qabnaa…  Waayo Ciidamadu weli awood ayay ku leeyihiin Xukunka iyo Dhaqaalaha dalka,” ayuu yiri Sean Turnell oo ah jaamici si dhow ula socda arrimaha dalka Mynamar, isagoo intaas ku daray. “Tani ma ahan dimuqraadiyad lagu diirsan karo, laakiinse waa Tallaabo horumar leh oo la qaaday.”

Sidoo kale, Madaxweynahaan cusub ee maanta Xilka loo dhaarshay ayaa khudbaddiisii ku xusay inuu isbeddel ballaaran ku sameyn doono dastuurka waddankaas, uuna ku saleynayo hababka dimuqraadiga ah ee Caalamka looga dhaqmo.

Dastuurka Mynamar oo ayaa dhigayay intii aan Dowladdii millateriga ahayd la tuurin, ayaa wuxuu dhigayay in Ciidamadu ay 25% kuraasta Baarlamaanka iyagu leeyihiin, Wasiirrada muhiimka ah sida; Arrimaha Gudaha iyo Gaashaandhiggana ay Millaterigu xaq u leeyihiin inay qabtaan.

Wuxuu kaloo, dastuurku ka mamanuucay Haweeneyda Dimuquraaddiga ah; Aung San Suu Kyi inay dalkaas ka noqoto madaxweyne, waxaana loo cuskaday inay u dhaxday nin ajnabi ah, caruurteeduna ay ajaanib yihiin. Taasoo uu Dastuurkuna diidayo.

Balse, Madaxweynaha cusub, ayaa wacad ku maray in 18-ka wasiir ee ay ka kooban yihiin wasiirada xukuumadda Mynamar aysan dhinac keliya marin kuwooda ugu muhiimsan sidii horay u dhici jirtay, isla markaana uu kusoo Magacaabi doono qaab Wada-tashi ah oo laga baaraan-dagay. Isagoo xusay in uu dib eegayo Arrimaha Aung San Suu Kyi oo uu sheegay inay tahay qof ay kalsooni badani kala dhexeyso.

Ugu dambeyn, Htin Kyaw oo Maanta hogaanka loo dhaariyay ayaa guul lama filaan ah ka soo hoyay doorashadii madaxnimo ee dalkaas ka dhacday 15-kii bishan Maarso, isagoo ku tartamayay magaca Xisbiga Qaran ee Dimquraadiyadda, kaasoo horay ugu guuleystay inta badan kuraasta labada Aqal ee Baarlamaanka dalka Barma oo ku yaalla Qaaradda Aasiya.

beco2