SHaqaale iyo dhaqaatiir u shaqeynayey isbitaalka Deva ee turkigu maamulo oo kooxo hubeysani Muqdisho ku dileen.

0
565

Ugu yaraan shan ruux oo isugu jiray saddex Somali ah iyo laba Turki ah ayaa lagu dilay weerar ay goor-dhow kooxo hubeysan oo aan la aqoonsan ku qaadeen gaari ay wateen dadkaan la laayay oo ka mid ahaa shaqaalaha isbitaalka DEVA oo Turkigu uu ku leeyahay Magaalada Muqdisho.

Weerarkan oo ka dhacay inta u dhexeysa fagaaraha Tarabuunka iyo Safaaradda uu Turkigu ku leeyahay Muqdisho oo kawada tirsan degmada Hodan ee gobolka Banaadir, ayaa waxaa geystay koox hubeysan oo la sheegayo inay wateen gaari caasi ama Mini-bus ah, kuwaasoo dilka kaddibna baxsaday.

Sidoo kale, Weerarkaan ayaa waxaa lagu dhaawacay afar qof oo kale oo iyagana ka mid ah shaqaalaha Isbitaalka DEVA ee Muqdisho. Iyadoo kooxaha Weerarkaan ka dambeeyay aan la garanayn cid ay ka tirsan yihiin iyo sababta ay dadkan u laayeen.

Dhanka kale, saddexda qof ee Soomaalida ah ee weerarkan lagu dilay ayaa la sheegay inay kala ahaayeen; darawalkii gaariga, turjubaan iyo ruux ilaalo u ahaa shaqalaahaan, waxaana la sheegay in midkood uu ku geeriyooday Isbitaalka Deva oo isagoo dhaawac ah la geeyay. Iyadoo aan illaa hadda la ogeyn halka ay ka yimaadeen iyo halka ay ku socdeen.

Laamaha Amniga dowladda Somalia, ayaa sheegay inay baaritaano kooxihii ka dambeeyay weerarkan ku baadi-goobayaan, inkastoo weerarro noocan oo kale ah oo horay uga dhacay Muqdisho ay mas’uuliyaddooda sheegatay Al-shabaab.

Wixii kasoo kordha  Weerarkaan lagu dilay Soomaalida iyo Turkida waxaan idin kugu soo gudbin doonnaa Wararka soo socda ee warsom haddii ALLE ogolaado.

beco2