Friday, August 28, 2026
Ku dhawaad 1200 oo qof oo kasoo laabtay xerooyinka qaxootiga dalka Kenya ee Dhadhaab ayaa ku xayiran deegaanka Dhoobleey, ayadoo dadkani ay yihiin kuwo intooda badan ku wajahnaa magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose. Wasiirka wasaaradda arimaha gudaha Jubaland Max’ed Warsame Darwiish ayaa dhawaan shaaciyay in ay joojiyeen qaabilaadda qaxootiga...
Dagaalo ayaa ka dhacay Gobolka Sanaag shalay ilaa xalay sida dad deegaan ah ay u sheegeen warbaahinta. Dad dagaan ah ayaa warbaahinta usheegay in dagaal u dhexeeyay labo beelood oo wada daga deegaan 60km u jira Ceel Afweyn ay ku dhinteen ilaa 3 qof. 10 qof oo kale ayaa xiisadahaa...
Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  ayaa kulan gaar ah magaalada  Jabuuti  ee caasimadda dalka Jabuuti kula qaatay Madaxweynaha dalkaasi Ismaaciil Cumar Geelle. Kulankaan dhexmaray labada Madaxweyne ayaa waxaa looga wada hadlay xoojinta  xiriirka qotada dheer ee u dheexeeya dawladda Jabuuti iyo Puntland iyo iskaashiga dhinacyada ammaanka, ganacsiga dhismaha...
Wazaaradda amniga dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa amar ku bixisay in milkiilayaasha hoteelada ay mas’uuliyad isak saaraan  sugidda amniga shacabka iyo dadka kale ee degaya hoteladooda. Wasiirka amniga dowladda Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamad ayaa sheegay in horay milkiilayaasha hoteelada ay u sheegeen in ay sameystaan ciidamo suga amnigooda, isla markaana...
War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxtooyada ee Puntland-Soomaaliya ayaa lagu shaaciyey liiska magacyada shaqsiyaad lagu sheegay in ay ka dambeeyeen qaraxyadii ka dhacay magaalaada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Sidoo kale war-saxaafadeedka ayaa lagu war geliyey dhamman hay’adaha amniga Puntland in ay soo qab-qabtaan shaqsiyaadkaasi, isla markaan hor keenaan sharciga...
Xarakada Al Shabaab ayaa markii ugu horraysay war kasoo saartay qaadashada Kaarka aqoonsiga oo ay soo rogtay dowladda Federaalka. Sida uu sheegay Sheekh Cali Dheere  Xarakada Al Shabaab ayaa shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda uga digtay qaadashada Kaarka aqoonsiga. Xarakada ay sheegtay in ay beegsan doonto meel walba oo...
Waaxda arrimaha dibedda Mareykanka ayaa Cabdulqaadir Muumin ku dartay liiska argagixisada sida gaarka ah loo callaamadeeyey, ee amarka madaxweyne ee tirsigiisu yahay 13224, kaasi oo cunaqabateyn kusoo roga shaqsiyaadka iyo kooxaha la go’aamiyey inay halis ku yihiin Mareykanka. Cabdulqaadir Muumin ayaa madax ka ah koox ku xiran Daacish oo Soomaaliya...
Dawladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in shirkii lagaga xaajoonayay maamul u samaynta gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan uu magaalada Jawhar ka furmi doono Maalinta Sabtida ee 3-da bisha September. Waxaa sidoo kale arrintaasi ka hadlay urur goboleedka IGAD oo ergooyinka shirkaasi ka qayb galaya ugu baaqayinay shirkasi ka soo qayb...
Safiirada Ingiriiska u joogta Somalia, Harriet Mathews, ayaa sheegtay in haddii doorashadda madaxtooyada iyo Baarlamaanka Somaliland dib uga dhacaan wakhtigii loo qorsheeyey ay sumcad xun ku tahay  Dimuqraadiyadda iyo Geeddi-socodka Somaliland. Danjire Harriet Mathews ayaa sidaas ka sheegtay markii ay soo dhamaystay kulamo ay la lahayd xukuumada, gudoomiyaha maxkamada sare...
Puntland, ayaa maanta soo Bandhigtay magacyada iyo Beelaha Kooxihii ka dambeeyay Qaraxyadii ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, waxaana lagu wargelinayaa dhammaan hay’adaha Ammaanka Puntland in inay soo qab-qabtaan dhagar-qabayaasha ka tirsan Al-shabaab ee geystay falkii dhawaan ka dhacay magaalada Gaalkacyo. Falkaas oo ay naftooda ku waayeen dad badan,...