Al-Shabaab Oo Digniin Kasoo Saartay Qaadashada Kaarka Aqoonsiga Dowladda Federaalka.

0
599

Xarakada Al Shabaab ayaa markii ugu horraysay war kasoo saartay qaadashada Kaarka aqoonsiga oo ay soo rogtay dowladda Federaalka.

Sida uu sheegay Sheekh Cali Dheere  Xarakada Al Shabaab ayaa shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda uga digtay qaadashada Kaarka aqoonsiga.

Xarakada ay sheegtay in ay beegsan doonto meel walba oo Kaarka aqoonsiga lagu qeybinayo waxayna shacabka Muqdisho ugu baaqday in ay ka fogaadaan isku imaatinada Dowladda ku sugantahay sida Hoteellada iyo goobaha kale.

Sh Cali Maxamuud Raage ayaa inta uu ka hadlayay howl galka waxa uu digniin u jeediyay dadka muslimiinta ee ku nool magaalada Muqdisho isagoo ku yiri

“waad u jeedaan inaanan murtadiinta ku bad baadineyn meelna,mar haddii ay sidaas tahayna waa inaad ka feejignaataan meelaha noocaas oo kale ah kaga digtoonaada meelaha lagu jaro kaarar aqoonsiga waxa ay ku sheegeen oo laga leeyahay Ujeedooyin fara badan oo ay ugu horreeyaan.

1-in dhaqaale ay ku raadsadaan murtadiinta kadibna ay dadka muslimiinta baahi ku dilaan hantidoodana ku raadsadaan jago iyo madaxtinimo gaaladana la isaga gado.

2 In Xogta iyo sirta muslimiinta ay u gacan galiyaan gaalada si dadka muslimiinta looga dhigo kuwo gacan ugu jira gaalada oo laga hayo faro,indho iyo wax la mid ah kadibna ay ku adkaato inay sameeyaan dhaq dhaqaaq sidaasna lagu cabiidsado.

warsom2011@gmail.com

beccosalaam banktabaarak