Friday, August 28, 2026
Ugu yaraan shan ruux ayaa ku geeriyooday, 10-qof oo kalena way ku dhaawacmeen, qarax is-miidaamin ahaa oo Goor-dhaw ka dhacay Afaafka hore ee xarunta Madatooyada Somalia ee Muqdisho. Gaadiidka gurmadka deg-degga ah iyo kuwa Ciidamada oo wada dhaawacyo kala duwan ayaa lagu arkayaa waddada muhiimka ah ee Maka Al-mukarama, waxayna...
Ku dhawaad 6,500 oo muhaajiriin ah ayaa laga soo badbaadiyay badda meelo ka baxsan xeebaha Liibiya shalay Isniintii. Sidaa waxaa laga soo xigtay oo wakaaladaha wararku ka soo xigteen ciidamada ilaalada ee Talyaaniga. Waxay ciidamadaasi sheegeen shalay inay u ahayd mid ka mid maalmaha ay ugu mashquulka badnaayeen taariikhda gaar...
Ergayga Ururka Midowga Afrika ee arrimaha Somalia, Danjire Francisco Madeira, ayaa Beesha Caalamka ugu baaqay inay kordhiyaan Taageerada ay siiyaan Ciidamada Qaranka Somalia, si ay awood ugu yeeshaan la dagaallanka xoogagga Al-shabaab. Dajire Madeira oo ka hadlayay kulan lix maalmood socday oo ay ka qayb-galeen taliyeyaasha qaybaha ciidamada AMISOM iyo...
Magaalada Berbera ayaa waxaa ka jirta biyo la'aan baahsan gaar ahaan xaafadaha qaar. Xaafada Finland ayaa aad looga cabanayaa biyo la'aanta ayadoo ay ka mid tahay xaafadaasi qeybaha ay biyo la'aantu sida aadka ah u saamaysay. Xaafadaa yaa qasabado ama tuubiyoon leh balse wax biyo ah malahan oo waa ay qalalan...
-Kaneecada dheddigga ah ayaa dullin sidaha cudurka Zika u gudbin kareysa ugxaanteeda iyo dhallaankeeda. Kaasi maahan warkeena balse waa daraasad ay samaysay Jaamacada Texas. Daraasada ayaa intaa raacisay in dilitaanka kaneecada waaweyn aysan wax weyn soo kordhinayn. Cilmibaareyaal ayaa  arinkaa wax ka yiri  shalayto Isniintii. Jaamacadaa cilmibaareyaal ka tirsan ayaa markaa...
Kulan ay soo qabanqaabiyeen aqoonyahanno wax ku soo bartay Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed (JUS), ayna ka soo qayb galeen waxgaradka jaalliyada Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay magaalada Birmingham ee waddanka Ingiriiska. Kulanka oo ahaa mid si wanaagsan loo soo abaabulay, waxaa warbixin dheer oo xiiso badan  ka soo jeediyay G/Ku xigeenka Jaamacadda...
Golaha Wasiirada Galmudug oo maanta shir ku yeeshay xaruntooda degmada Cadaado, ayaa waxay War-saxaafadeed kasoo saareen hadal dhawaan ka soo yeeray maamulka Puntland - oo sheegayay in Gaadiidka Xamuulka ah ee soo galaya Deegaannada Galmudug aysan Ogolaan doonin iyo Qodobbo kale oo Ammaanka la Xiriira madaama ay Galmudug ka...
Waxaa deegaanka Carooley oo 100-km waqooyi-bari uga beegan magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ayaa laga furay Dugsi Sare kaasoo shaqsi keligiis ahi uu ka Hir-geliyey, isla markaana dhagax dhigay Dugsi Hoose/Dhexe oo lahaan doonto tuulada dhubuqdhub (Sinu-jiif) oo  Carooley hoostimada. Dadka degmada Carooley ayaa si  aan oo kala hadhin...
Ayada shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ee bishii June 23keedii lagu go'aansaday in 135 oday ay soo xulaan Baarlamaanka  cusub ee Soomaaliya  ayaa waxaa soo shaac baxday in xubin cusub lagu soo daray. Warqad uu ku saxiixanyahay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari kuna socota Guddoomiyaha Guddiga Heer Federaal ee Doorashooyinka...
Angela Merkela oo ah haweneyda hoggaamisa dawlada dalka Jermalka ayaa dhalliil usoo jeedisay dalalka midowga Yurub. Angela Merkel ayaa dhalliishay siyaasadahooda ku wajahan qaxootiga gaar ahaan haatan oo weli loo maaro la'yahay qulqulka qaxootigaa. Waxay ku dhalliishay inaysan doonayn inay si wanaagsan usoo dhaweeyaan qaxootiga maadaama badankood qaxootigu yihiin Muslimiin. Warkaan...