Milkiilayaasha Hotelada Muqdisho oo Lagu Amray In Ay Amnigooda Sugtaan

0
547

Wazaaradda amniga dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa amar ku bixisay in milkiilayaasha hoteelada ay mas’uuliyad isak saaraan  sugidda amniga shacabka iyo dadka kale ee degaya hoteladooda.

Wasiirka amniga dowladda Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamad ayaa sheegay in horay milkiilayaasha hoteelada ay u sheegeen in ay sameystaan ciidamo suga amnigooda, isla markaana gudaha hotelka ka dhex sameysta difaacyo, isagoo xusay in aan hay’adaha amniga kaliya a dusha loo saari karin dhibaatada.

..Wasaaradda amniga horey waxa ay soo bandhigtay siyaasad ku aadan sugidda amniga hoteelada, golaha wasiiradana way ansixiyeen, balse milkiilayaasha hoteelada ayaa ka dhega adeegay ayuu yiri Cabdirisaaq Cumar Maxamad.

Ha’adda amniga ee dowladda Soomaaliya ayaa  dadaal adag ugu jirta sidii ay uga hortagi lahayd qaraxyada maleeshiyada Al-shabaab, iyadoo horay loogu dhaliilay laamaha amniga dowladda in ay wax ka qaban waayeen weerarada Al-Shabaab .

Shalay ayey ahayd markii gaari kuwa xamuulka ah oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay lagu weeraray hotelka SYL ee magaalada Muqdisho.

warsom2011@gmail.com

beccosalaam banktabaarak