Shirkadda GOOGLE, ayaa Mashruuc Internet oo lacag la'aan ah ka Hir-galinaysa laga Dalka Hindiya si ay u hesho dad badan oo isticmaala adeegeeyada shirkaddan.
Adeegan Internet oo lagu Magacaabo Google Station, ayaa Wi-Fi siin doona Saldhigyada Tareennada, iyadoo la doonayo in lagu sii ballaariyo dukaamada iyo maqaayadaha.
Sidoo kale, Google ayaa...
-Dawlada Mareykanka ayaa bayaan kasoo baxay saaka ku cambaareysay dilkii loo geystay Allaha u naxariistee wariyehii idaacada Radio Shabelle ee dhawaan lagu dilay Muqdisho.
Rag ku hubeysnaa bastooladu ayaa dilay marxuumka taariikh 27 bishaan. 'Dawlada Mareykanka ayaa aad u cambaareyneysa dilkii qorsheysnaa ee 27ka Sitembar loogu geystay wariye Soomaaliyeed, C/Caziiz...
Aqalka Kongareska Maraykanka ayaa shalay kasoo korjeestay diidayna diidmadii qayaxneyd ee Madaxweyne Obama uga soo horjeestay biil sharci oo u saamaxya ehelada dadkii ku dhintay weeraradii 9/11 inay dacweeyaan dawlada Sacuudi Carabiya.
Tani waa diidmadii ugu horeysay ee mudnaan ka yeelata go'aanada Obama intii uu xilka hayay oo sideed sano...
Diyaarado Dagaal ayaa Duqeymo Xooggan ka geystay Deegaan Dhinaca Bariga uga aaddan Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, halkaas oo la sheegay in lagu dilay tro ka badan 20-qof, kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.
Maamulka Galmudug ayaa sheegay in Duqeymo loogu geystay ciidamadooda meel ku dhaw deegaanka Jeexdin oo 25-km...
Masuuliyiin ka tirsan Jubaland ayaa magaalada Baladxaawo ee gobolka Gedo kusoo bandhigay gaari nooca Suzuki-ga loo yaqaano oo ay dhawaan gacanta kusoo dhigeen ciidamada ammaanka degmada Baladxaawo, gaariga oo la sheegay in ay saarnaayeen Maleeyshiyaad ka tirsan Al-shabaab islamarkaana ay wateen hub iyo walxaha qarxa.
Wasiir kuxigeenka arimaha gudaha Jubaland...
-Dawlada Mareykanka ayaa sheegtay in saraakiil ka tirsanaa Al-Shabaab ay ku dishay duqeyn tuula Kanjaroon ee Jubada Hoose.
Tuulada Kanjaroon ayaa ku dhow xadka Kenya iyo Soomaaliya.
Duqeyn diyaaradaha dagaalka ee Mareykanku fuliyeen ayaa dawlada Mareykanku sheegtay in lagu dilay afar sargaal oo Al-shabaab ahaa oo uu kujiray Bashiir Dheere.
Waxay tafaasiisheeda...
Madaxa ciidamada Uganada ayaa sheegay inuusan asagu arag fiidiyowga Al-shabaab soo deysay ee muujinaya askariga ay ka heystaan Uganda.
Si kastaba ha ahaatee, wuxuu intaasi ku daray in dawlada Uganda ay samaynayso wax kasta oo karaankeeda ah si ninkaa loo soo daayo oo uu askarigaasi xornimadiisu dib ugu helo. Askarigaa...
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sh. Shariif Sh. Axmed, ahna musharax u taagan xilka madaxweynaha dalka, ayaa hoyga uu ka dagan yahay Muqdisho wuxuu kulammo kala duwan ku qaatay qaar ka mid ah safiirrada Dalalka Caalamka u jooga Somalia, waxayna kulammadan iskula soo qaadeen Xaaladaha Guud ee dalka iyo sida...
-Booliska Kenya ayaa dilay nin muddo la doondoonayay oo lagu tuhunsanaa argagaxisonimo magaalada Mombasa shalay.
Ismaaciil Shosi ayaa waxaa dawladu dul dhigtay 2 malyan oo shilin Kenya ah cidii soo sheegta. Waxaa shalay biliisku ku dileen xaafada Mwandoni ee magaaladaasi Mombasa.
Booliska ayaa sheegay in hub ay kasoo heleen guri uu...
Ergayga QM u Qaabilsan Soomaaliya, Danjire Micheal Keating ayaa golaha ammaanka uga Warbixiyay Xaaladihii ugu dambeeyay ee Siyaasadda Soomaaliya iyo dib u dhacii doorashooyinkii la filayay in bishan iyo tan soo socota ka dhacaan Soomaaliya.
Danjire Keating ayaa si gaar ah uga hadlay sababaha dib u dhigay doorashooyinkii dalka ee...

















