Mombassa kenya oo lagu diley Nin lagu tuhunsanaa waxa loogu yeero Argaxisonimo.

0
518

-Booliska Kenya ayaa dilay nin muddo la doondoonayay oo lagu tuhunsanaa argagaxisonimo magaalada Mombasa shalay.

 

Ismaaciil Shosi ayaa waxaa dawladu dul dhigtay 2 malyan oo shilin Kenya ah cidii soo sheegta. Waxaa shalay biliisku ku dileen xaafada Mwandoni ee magaaladaasi Mombasa.

 

Booliska ayaa sheegay in hub ay kasoo heleen guri uu ku dhuumaaleysanaayay.

 

Shosi ayaa waxaa boolisku sheegay in al-Shabaab uu ka tirsanaa Soomaaliyana uu kasoo noqday boolsikuna ku raad joogeen muddo sanado ah.

 

Qori gurigaa lagu dilay laga soo helay oo G3 ah ayaa boolisku sheegeen in askari boolis ah oo horay al-Shabaab u dileen uu lahaa.

 

Booliska ayaa intaa ku daray in Shosi iyo afar qof oo kale ay qorsheynayeen in ay weeraro ka geystaan Mombasa.

warsom2011@gmail.com

beccosalaam-banktabaarak