Tuesday, September 8, 2026
Shalay ayaa waxaa la filaayay in qaar kale oo ka tirsan dhallinyarada ku xiran India ee Soomaaliyeed dacwadooda la qaado. Hase ahaatee dhagaysiga dacwadooda ayaa shalay dib loo dhigay. Dhallinyaradaa ayaa tiradoodu boqol sare u dhaaftay waxaana loo haystaa burcadbadeednimo walow in badan ay ku andacoonayaan inay yihiin kalluumeysato. Asbuuc ka...
Ugu yaraan sadex qof ayaa ku geeriyooday, tiro kalena way ku dhaawacmeen qarax gaari oo goor-dhaw lala beegsaday maqaayad lagu Magacaabo Blue Sky oo ku dhaw Tiyaatarka Muqdisho, halkaasoo ay ku sugnaayeen dad badan xilliga uu dhacayya qaraxa. Sidoo kale, Gaadiidka gurmadka deg-degga ah ayaa halkaas gaaray, kuwaas oo ka...
Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud oo Wareysi siiyay Wargeyska Newsweek, ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin dagaallada lagula jiro Al-shabaab iyo Qoxootiga ku nool Xeryaha Dhadhaab ee Dalka Kenya. Xasan Sheekh, ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ay guulo waaweyn ka gaareen dagaalka ka dhanka ah...
Iyadoo dhawaan lagu wado in la gudo-galo soo xulista xubnaha Aqalka Sare iyo iyo kan hoose ee Baarlamaanka Federaalka, ayaa Beledweyne waxaa ka socda Shirar iyo kulammo hoosaadyo ay leeyihiin odayaasha dhaqanka iyo Waxgaradka beelaha gobolka Hiiraan. Duubabka dhaqanka oo uu horkacayo Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa dhawaan ugu baaqay...
Qoyska askariga oo maalmo ka hor ka soo muuqday fiidiyow Al-Shabaab soo daayeen ayaa durba fiidiyowgaa ka gartay. “Haa, waa asaga!Kaasi waa asaga,” ayay tiri hooyadii markii ay aragtay fiidiyowga. Weyna doorsoontay markii ay aragtay muuqaalka wiilkeeda laga duubay. Christine Nzilani Kiiyo ayaa wiilkeeda Leonard Maingi inuu yahay xaqiijisay dawlada Kenyana...
Dowladda Sucuudiga, ayaa uga Digtay Congress-ka Mareykanka inuu u ogolaado ehellada Dadkii ku dhintay Weerarkii 11-kii September, 2001-dii ka dhacay New York in tallaabo sharci ah ay qaadaan, taasoo ka dhan ah Sucuudiga. Xukuumadda Riyaad ayaa sheegtay in la doonayo in tallaabadan lagu suuro-geliyo diidmada ay Congress-ku diideen Codkii diidmada-qayaxan...
Xalay ayaa abbaare maqribnimadii waxaa rag ku hubeysnaa bastoolado ay toogasho ku dileen Maxamed Aadan Qoordheere oo ka tirsanaa Wasaarada Caddaalada ee DFS. Qoordheere ayaa wuxuu kasoo baxay masaajid uu ku tukaday salaada maqrib, degmada Waaberi ee Muqdisho halkaa oo uu daganaa. Raggii dilay ayaan la aqoonsan goobtiina ka baxsaday ka...
Qeybo ka tirsan gobolka Togdheer ayaa waxaa wali ka jira abaar iyo biyo yari. Biyo yarida gobolkaa ka jirtaa ayaa halis ku ah dadka iyo duunyadaba ayadoo haatan dadka iyo duunyadaba ay geeri qarka u saaran yihiin. Sanadkaan horrraantiisii iyo xataa laga soo bilaabo sanadkii hore ayaa waxaa qeybo badan oo...
Xrakada Al-shabaab ayaa soo saartay muuqaal fiidiyow ah oo uu ka soo muuqday askari ay KDF uga qabsadeen xeradii Ceel Cadde, Gedo, Soomaaliya. Askarigaa KDF ayaa ka codsaday madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta in lasoo sii daayo inuu ka shaqeeyo. Wuxuu ninkaasi ka codsaday Kenya inay ciidamadeeda kala baxdo dalka Soomaaliya...
Dab xooggan ayaa ka kacay suuq weyn oo ku yaala Buulo Xuubey, degmada Wadajir ee caasimada Muqdisho. Dabka ayaa bilowday saaka. Dad goob joog ahaa ayaa Hiiraan Online u sheegay in dabku geystay khasaare xooggan asagoo halkaa ku burburiyay dukaamo. Shaqaalaha dab daminta ayaa halkaa soo gaaray oo haatan oo...