Sanad guuradda 57 aad xiriirka Somaliya iyo Pakistan ayaa lagu qabtay magaalada Karachi ee koofurta dalka Pakistan. Ciyaartooy ka kala socday labada dal ayaa ciyaarta kubadda cagta kusoo bandhigay garoonka kubadda cagta ee magaalada Karachi.
Ciyaartaan oo ahayd mid lagu maamuusayay xiriirka 57 sano jirsaday ee Somaliya iyo Pakistan ayaa...
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Qoyskiisa ayaa u ambabaxay dalka Turkiga.
Waxaa manta oo jimca aheyd, Xasan Sheekh Maxamuud Garoonka Diyaaradaha ee Muqdishu, ku sii sagootiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Wasiir Odaywaa, Musharixiintii la tartantay qaar ka mid ah iyo xubno kale oo saaxiibo...
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa sheegay inay bilaabaneyso waqtigii isla xisaabtanka hey’adaha dowladda, isagoo cadeeyay inuu ku dadaali doono nidaam kala dambeyn ah oo xukuumaddiisa la timaado.
Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa sheegay in la ilaalin doono xuquuqda shaqaalaha dowladda, isla markaana shaqaalaha qudhooda lagila xisaabtami doono shaqooyinka ay...
Xaaladda abaaraha ee ka jirta dalka ayaa ah mid baahsan, safmar ah oo buuro, dul iyo bannaanba 637,000km laba jibaaran, taasoo ka dhalatay roobab kii la filaayay 4 tii xilli ee la soo dhaafay oo la waayay ama si fiican aanan u da’in. Abaarta hadda ka jirta dalka waxay...
Laba nin oo Odayaal ahaa ayaa la sheegay in ay Gaajo iyo Haraad ay ugu geeryoodeen deegaanka lagu magacaabo Baxdo ee hoostaga gobolka Galgaduud, sida dadka deegaanka ay sheegeen.
Deegaanka Baxdo, waxaa uu ka mid ahaa meelihii ay saameynta xooggan ay ku reebtay abaarta.
Dhowr qoys ayaa hadda ku nool deegaanka,...
Gudiga gurmadka heer Qaran ee abaarta ka jirta qeybo kala gadisan ee dalka ayaa markii ugu horeysay soo saaray warbixin ka hadleysa heer iyo xajmiga ay leedahay abaarta ku dhuftay dalka taasoo meelaha qaar galaafatay nolasha dad isugu jiray caruur iyo waayeel.
Xaaladda Abaaraha ee Dalka
Xaaladda abaaraha ee ka jirta...
Natiijooyin horudhac ah oo kasoo baxay doorashada dalka Holland, ayaa muujinaya in xisbiga ra’iisul wasaare Mark Rutte uu ku guuleystay kuraasta ugu badan baarlamanka, kana adkaaday xisbiga kasoo horjeeda soo-galootiga iyo islaamka ee uu hogaamiyo Geert Wilders.
Ayada oo inta badan codadka la tiriyey ayaa xisbiga midig dhexe ee Rutte...
Ilaa shan qof oo hubeysan ayaa xalay laba ruux oo Xoola dhaqata ah ku dilay Degaanka Maqasiya oo 15-KM dhanka Waqooyi ka xiga Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, sida dadka deegaanka ay sheegeen.
Labada ruux ee la dilay, waxaa lagu kala magacaabi jiray, C/naasir iyo Garuun. Warar aan la xaqiijina...
Saraakiisha hay’adda nabad-sugida Qaranka ayaa warbaahinta u sheegay in xalay ay ka hor tageen weerar xoogag ka tirsan Al-shabaab ay ku soo qaadeen barkoontarool oo ay ciidamada booliiska ku lahaayeen xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Huriwaa halkaasoo uu ka dhacay iska horimaad kooban.
Ciidamada booliiska ah ee la weeraray oo...
Ra'iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa xafiiskiisa kula kulmay Madaxda ugu sareysa Ciidamada Midowag Afrika ee AMISOM, waxaa ayna kawada hadleyn arimo muhiim ah.
Kulanka ka dhacay xafiiska Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya waxaa goob joog ka ahaa Madaxa ugu sareeya Ciidamada AMISOM Amb. Francisco Madeira Caetano,taliyaha Milatariga AMISOM iyo...

















