Dawladda Dalka UK oo Walaac Amni ka Muujisay Waqooyiga Dalka Kenya Kana Digtay Khatarta Al-shabaab..

0
3

Dowladda Britain ayaa soo saartay digniin cusub oo dhanka safarka ah oo ku saabsan dalka Kenya, iyadoo muwaadiniinteeda kula talisay inaysan safarro aan daruuri ahayn ku tagin magaalada Moyale iyo deegaannada ku dhow xadka Itoobiya, gaar ahaan aagga shan kiiloomitir u jira xadka labada dal, sababo la xiriira walaaca amni iyo khatarta weerarrada Al-Shabaab.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Barwaaqo-sooranka iyo Horumarinta Britain (FCDO) ayaa cusbooneysiisay digniinteeda safarka, iyadoo sidoo kale sii wadday xayiraadaha safarka ee saameynaya qaybo ka mid ah gobollada Garissa, Wajeer, Mandheera, Lamu iyo Tana River.

Magaalada Moyale iyo deegaannada ku hareeraysan oo gaaraya shan kiiloomitir ayaa markii ugu horreysay lagu daray goobaha ay dowladda Britain kula talinayso muwaadiniinteeda inay ka fogaadaan safarrada aan muhiimka ahayn. Aaggaas waxaa sidoo kale ku jira barta laga gudbo xadka Kenya iyo Itoobiya.

Digniinta Britain ayaa sidoo kale khusaysa qaybo badan oo ka tirsan waqooyiga iyo bariga Kenya, gaar ahaan deegaannada ku dhow xuduudda Soomaaliya, kuwaas oo ay hore uga dhaceen weerarro lala xiriiriyay kooxda Al-Shabaab.

Goobaha ay digniintu saameysay waxaa ka mid ah gobolka Mandheera, qaybo ka tirsan gobolka Wajeer, marka laga reebo magaalada Wajeer, iyo inta badan gobolka Garissa, iyadoo laga reebay magaalada Garissa iyo deegaanno kale oo gaar ah. Sidoo kale, qaybo ka mid ah gobolka Lamu ayaa ku jira digniinta, marka laga reebo jasiiradaha Lamu iyo Manda.

Dhanka kale, dowladda Britain ayaa uga digtay muwaadiniinteeda in qofkii safar ku taga goobaha laga digay isagoo ka hor imaanaya talooyinka rasmiga ah ay suurtagal tahay inuu waayo caymiska safarka, taasoo keeni karta inuu isagu bixiyo kharashaadka caafimaadka, gurmadka iyo daadgureynta degdegga ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Britain ayaa caddeysay in digniintani aysan ahayn mamnuucid safar oo ay dowladda Kenya soo saartay, balse ay tahay qiimeyn amni oo ay dowladda Britain u sameysay muwaadiniinteeda ku sugan ama u safraya dalka Kenya.