Friday, September 4, 2026
Xildhibaan Cabduqaadir Faarax Bootaan, oo mudooyinkii dambe xanuunsanayay ayaa maanta ku geeryooday isbitaal ku yaalla magaaladda Nairobi ee dalka Kenya. Allaha Unaxriistee Xildhibaanka, ayaa waxaa dhaawac uu ka soo gaaray Qarax Gaarigiisa Loogu Xiray, 9-kii bishaan March, kaas oo kula qarxay Magaaladda Gaalkacyo. Mudanayaasha Baarlamaanka maamulka Puntland, ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii...
Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo ayaa qoraal ka soo baxay xafiiskiisa ku cambareeyay weerarkii dhawaan lagu dilay qaxooti Soomaali ah oo marayay xeebaha Yemen. Dowladda Soomaaliya ayaa maalintii shalay ku eedeysay isbaheysiga uu hogaamiyo Sacuudiga in ay ka dabeeyeen weerarka lagu dilay qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sii...
Wararka naga soo gaaraya degmada Cadaado ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in ciidamada nabad-sugida maamulka gobolleedka Galmudug gacanta ku dhigeen gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa. Saraakiisha ciidamada nabad-sugida ayaa sheegay in gaariga lagu qabtay inta u dhaxeysa Caabudwaaq iyo deegaanka Xanan-buure. Warar ayaa sidoo kale intaa ku darraya in gaariga...
Dowladda Kenya ayaa saartay Bandhow xeryaha Qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya. Masuuliyiinta dowladda Kenya, ayaa sheegay, in u-jeedada Bandhowga ay tahay adkeynta ammaanka. Dowladda Kenya ayaa sidoo kale tilmaamtay in si weyn loo adkeyn doono Ammaanka xeryaha Qaxootiga dalka Kenya ee Dhadhaab. Horay ayaa dowladda Kenya waxa ay Bandow ugu soo rogtay...
Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad oo maalintii shalay shir guddoominayay kulan magaalada Muqdisho ay ku yeesheen mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka dalbaday madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha in ay deg deg u soo dhisaan xubnaha gollaha wasiirada. Guddoonka baarlamaanka ayaa arintan ku micneeyay in ay fududeyneyso ka...
Ciidamadda dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al Shabaab ayaa dagaal culus waxaa uu ku dhexmaray Degmada Qoryooleey ee Gobolka Sh.Hoose. Dagaalka waxaa uu xoogiisa uu ka dhacay xaaladda Jazeera, ee degmadda Qoryooleey, waxaana uu bilowday, kadib markii ciidamadda Al shabaab ay weerar gaadmo ah ay ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda ay...
-Dagaal u dhexeeya Al Shabaab iyo ciidanka maamulka Koonfur-galbeed, ayaa shalay galinkii dambe ka dhacay Degmada Qansax-dheere ee gobolka Baay. Dagaalka ayaa bilowday, kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab ay weerar ku qaadeen, gawaari waday gar-gaar loogu talagalay dadka abaarta ay ku saameysay degmadda Qansax-dheere. Hal askari oo ka tirsan...
Wararka naga soo gaaraya magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa sheegaya in afhayeenkii ciidanka Booliska dalka Ugandha Andrew Felix Kaweesi maanta oo Jimco ah kooxo hubeysan ku dileen  meel aan ka fogeyn hoygiisa. Andrew Felix Kaweesi ayaa lagu dilay meel ku dhow hoygiisa ka dib markii gaari uu la socday...
Wararka ka imenaya dalka Yemen ayaa sheegaya in duqeyn ay geysatay diyaarad nooca qumaatiga u kaca ee Apache lagu bartilmaameedsaday dooni ay la socdeen qaxooti Soomaaliyeed. Doonta oo ku sii jeeday dhinaca dalka Suudaan, ayaa waramayaa in ay ku dhinteen 31 qaxooti Soomaaliyeed ah oo ka anbabaxayay dalka Yemen. Dadkan qaxootiga...
Dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa hay’adda caafimaadka QM  WHO ayaa bilaawday olale ballaaran oo markii ugu horeysay caruurta looga lagu siinayo tallaalka ka hortaga cudurka daacuunka. Ollahan ayaa lagu beegsanayaa 450 000 oo ruux oo ku dhaqan todobo aag oo ka mid ah goobaha ugu sii khatarsan ee cudurkan uu saameynta...