Laba nin oo Odayaal ahaa ayaa la sheegay in ay Gaajo iyo Haraad ay ugu geeryoodeen deegaanka lagu magacaabo Baxdo ee hoostaga gobolka Galgaduud, sida dadka deegaanka ay sheegeen.
Deegaanka Baxdo, waxaa uu ka mid ahaa meelihii ay saameynta xooggan ay ku reebtay abaarta.
Dhowr qoys ayaa hadda ku nool deegaanka, halka intooda badan ay dhawaan kasoo carareen.
Maamulka Galmudug ee Soomaaliya, ayaa dhawaan sheegay in gurmad deg-deg ah ay la gaari doonaan, deegaankaas iyo kuwa kale ee dalka ku nool xaaladooda laga soo deyrinaayo.
Xaaladda abaaraha ee ka jirta dalka ayaa ah mid baahsan, safmar ah oo buuro, dul iyo bannaanba 637,000km laba jibaaran, taasoo ka dhalatay roobab kii la filaayay 4 tii xilli ee la soo dhaafay oo la waayay ama si fiican aanan u da’in. Abaarta hadda ka jirta dalka waxay saamaynta ugu badan u geysatay xoolaha, beeraha iyo dadka waxayna sababtay biyo la’aan baahsan.
warsom2011@gmail.com