Natiijada ka dhalatey Abaarta Soomaaliya oo Guddiga gurmadka Abaaruhu warbixin kasoo saareen.

0
536

Xaaladda abaaraha ee ka jirta dalka ayaa  ah mid  baahsan, safmar ah oo buuro, dul iyo bannaanba 637,000km laba jibaaran, taasoo ka dhalatay roobab kii la filaayay 4 tii xilli ee  la soo dhaafay  oo la waayay ama si fiican aanan u da’in. Abaarta  hadda ka jirta dalka waxay saamaynta   ugu badan  u geysatay xoolaha,  beeraha iyo dadka waxayna sababtay biyo la’aan baahsan.

Roobka Gu’a (April-June) hadii uu da’o, waxaa sedex bilood oo kale lasugaya gurashadiisa, hadii uusan da’in ama yaraado qatar intaan ka badan ayaa laga baqaya sidii 2011

1-      Waxaa in kabadan 3,63,000 oo caruur ah nafaqa daro haystaa oo ay kamid yihiin 71,000 oo aad udaran

2-      Waxaa macluul ay ku bilaabatay in kabadan 2.9 malyuun oo qofood

3-      Waxaa 3.3 malyuun oo qofood ay cunta yaraan daran haysataa

4-      Waxaa ay galaafatay 70% xoolo nooc walba leh

5-      Waxaa deegaanada qaar Koonfurta Soomaaliya ka dilaacay daacuun calooleed ay ku geeriyoodeen ilaa iyo 1630 qofood

6-      Waxaa guray wabigii  Shabeelle, haddana waxaa isna guri raba Jubba.

7-      Waxaa hoos u dhacay wax soo saarkii beeraha.

8-      Waxaa degaanadoodii ka barakacay 1.3 malyuun qofood oo hadda dul degan magoolooyinka waawayn.

9-      Isku celcelis waxaaa kaalmo u baahan in kabadan 6.2 malyuun qofood oo Soomaaliyeed

Natiijada ka dhalatay abaaraha.

1-      Dhimashada dadka oo bilaabatay cuduro iyo gaajo kadhalatay abaarta darteed.

2-      Dhimasho  xoolaha ku timid  calaf la’aan iyo  biyo la’aan darteed.

3-      Cuduro  ku dhacay xoolaha.

4-      Barkacayaasha oo ku soo badanayo  Magaalooyink  waa wayn  sida;  Banadir,  Garoowe, Baydhabo,  Kismaayo, Beladwayne, Jowhar, Hargaysa, Cadaado, Gaalkacyo, Beledwayne iyo meela kale oo badan.

Dakhliga soo xerooday

Waxaa dowladda iyo dadkeedaba ku deqeen dhaqaale aanan ku filnayn baahida taagan oo aad u baaxadwayn owgeed  lacagtaas oo dhan  $1,318,492.34. Wuxuu Guddigu gaarsiiyay $935,000 Guddiyada Gurmadka Abaaraha ee Heer Deegaan iyo raashin.

warsom2011@gmail.com