Rag Hubeysan oo labo Nin xoola dhaqato ah ku diley deegaan hoos taga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

0
649

Ilaa shan qof oo hubeysan ayaa xalay laba ruux oo Xoola dhaqata ah ku dilay Degaanka Maqasiya oo 15-KM dhanka Waqooyi ka xiga Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, sida dadka deegaanka ay sheegeen.

Labada ruux ee la dilay, waxaa lagu kala magacaabi jiray, C/naasir iyo Garuun. Warar aan la xaqiijina waxaa ay sheegeen in ay kasoo jeedeen labada qof ee la dilay Magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud.

Xaaladda deegaanka Maqaasiya, ayaa saaka kacsan waxaana mamulka deegaanka ay wadaan howlgallo.

Maamulada Hirshabeelle iyo Ahlu-sunna weli kama aysan hadlin.

warsom2011@gmail.com